Sign in to follow this  
Deeq A.

Sirdoonka Puntland oo beeniyay ay shirqool ku dileen marxuum ku dhintay magaalada Hargeysa

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1757183301931.jpg?resize=1000%2C9

Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugidda dowladda Puntland ee (PISA) oo warsaxaafadeed kooban soo saartay ayaa beenisay warar ku saabsan in ay ka danbaysay dilka muwaaddin Reer Somaliland ah oo ku dhintay magaalada Hargeysa.

“Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugidda Dowladda Puntland waxay beeninaysaa wararka maanta lagu faafiyey baraha bulshada, ee lagu sheegay in muwaadin reer Somaliland ah oo ku dhintay Hargeysa ay ka dambaysay Hay’addu” ayuu u qornaa Warsaxaafeedka ka soo baxay Hay’adda PISA.

Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugidda dowladda Puntland, waxay caddaysay in aysan ka shaqayn khaarijinta iyo dilalka qorshaysan, kaddib markii baraha bulshada uu ku faafay war been-abuur ah oo sheegaya in PISA dishay marxuun Axmed Caddib oo ku dhintay magaalada Hargeysa, islamarkaana aan faahfaahin laga bixin sababta geeridiisa.

“Hay’adaha amniga ee Dowladda Puntland kama shaqeeyaan khaarajin iyo dilal qorshaysan. Taas beddelkeeda, waxay wada-shaqeyn dhow la leeyihiin hay’adaha amniga ee mandaqadda, oo ay ku jirto Somaliland. Sidaas darteed, ma jirto sabab ku kallifaysa xadgudub shaqsi ama mid maamul toona” ayuu sii raaciyay Warsaxaafadeedkan.

Hoos ka akhriso Warsaxaafadeedka

20250907_001320.jpg?resize=1000%2C1414&s

PUNTLAND POST

The post Sirdoonka Puntland oo beeniyay ay shirqool ku dileen marxuum ku dhintay magaalada Hargeysa appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this