Sign in to follow this  
Deeq A.

𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝 𝐨𝐨 𝐬𝐢 𝐛𝐚𝐥𝐥𝐚𝐚𝐝𝐡𝐚𝐧 𝐥𝐨𝐨𝐠𝐮 𝐬𝐨𝐨 𝐝𝐡𝐚𝐰𝐞𝐞𝐲𝐞𝐲 𝐌𝐚𝐠𝐚𝐚𝐥𝐚𝐝𝐚 𝐆𝐚𝐛𝐢𝐥𝐞𝐲.

Recommended Posts

Deeq A.   

𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐉𝐚𝐦𝐡𝐮𝐮𝐫𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝 𝐨𝐨 𝐬𝐢 𝐛𝐚𝐥𝐥𝐚𝐚𝐝𝐡𝐚𝐧 𝐥𝐨𝐨𝐠𝐮 𝐬𝐨𝐨 𝐝𝐡𝐚𝐰𝐞𝐞𝐲𝐞𝐲 𝐌𝐚𝐠𝐚𝐚𝐥𝐚𝐝𝐚 𝐆𝐚𝐛𝐢𝐥𝐞𝐲.

FB_IMG_1757156845322-200x300.jpg

FB_IMG_1757156818057-300x200.jpg

FB_IMG_1757156812105-300x226.jpg

FB_IMG_1757156809235-300x200.jpg

FB_IMG_1757156805335-300x200.jpg

FB_IMG_1757156801148-300x200.jpg

FB_IMG_1757156796759-300x200.jpg

FB_IMG_1757156793430-300x246.jpg

FB_IMG_1757156789461-300x200.jpg

FB_IMG_1757156784419-300x200.jpg

FB_IMG_1757156780970-300x200.jpg

FB_IMG_1757156776051-300x200.jpg

FB_IMG_1757156823437-300x200.jpg

FB_IMG_1757156835163-300x200.jpg

FB_IMG_1757156843537-300x200.jpg

FB_IMG_1757156849191-300x261.jpg

FB_IMG_1757156859593-300x200.jpg

FB_IMG_1757156856494-300x264.jpg

FB_IMG_1757156862769-300x200.jpg

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro iyo wefti ballaadhan uu hoggaaminayo oo safar shaqo ugu baxay Gobolada galbeedka dalka , ayaa gaadhay Gobolka Gabiley.

Dadweynaha Gobolka Gabiley oo aan u kala hadhin ayaa si ballaadhan oo ay waddaniyadi ku dheehan tahay u soo dhaweeyey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Iyo waftiga uu hogaaminaayo

Soo dhawayntan ballaadhan ayaa ahayd mid ka tarjumaysa kalsoonida ay Shacabka Gobolka Gabiley u hayaan hoggaanka Qaranka JSL, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) iyo geeddi-socodka horumarinta dalka ee Xukuumadda Wadajir iyo Waxqabad.

Madaxweynuhu markii uu soo gaadhay goobta soo dhaweynta waxa uu si kal iyo laab ah u salaamay Shacabka Gobolka Gabiley oo safaf dhaadheer saacado ugu jiray soo dhawaynta Madaxweynaha, iyaga oo calanka Qaranka JSL iyo caleemo qoyan ku soo dhaweeyey Maareeyaha.

Madaxweynuhu inta uu joogo magaalada Gabiley, waxa uu kulammo la yeelan doonaa Madaxda Gobolka iyo Degmada, wax-garadka iyo qaybaha kala duwan ee bulshada GobolkaGabiley, isaga oo kala hadli arrimo la xidhiidha horumarinta adeegyada bulshada, wada-shaqaynta iyo xoojinta midnimada ummadda.

Sida oo kale, Madaxweynaha ayaa xadhigga ka jari doona mashaariic horumarineed oo laga hirgeliyey magaalada Gabiley qaar kalena dhagax-dhigi doona, kuwaasi oo qayb ka noqonaya horumarinta adeegyada bulshada iyo kobcinta dhaqaalaha Gobolka Gabiley.

Ugu danbeyntii Soo dhaweynta milgaha leh ee ay Shacabka reer Gabiley ku soo dhaweeyeen Madaxweynaha Qaranka ayaa dhiirri-gelin dheeraad ah u ah Madaxweynaha iyo Xukuumadiisa macno weyna u leh, sababo badan awgood.

𝐀𝐋𝐋𝐀𝐀 𝐌𝐀𝐇𝐀𝐃 𝐋𝐄𝐇

𝐗𝐮𝐬𝐞𝐞𝐧 𝐀𝐚𝐝𝐚𝐧 𝐂𝐢𝐠𝐞 (𝐃𝐞𝐲𝐫),
𝐀𝐟𝐡𝐚𝐲𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐉𝐚𝐦𝐡𝐮𝐮𝐫𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this