Sign in to follow this  
Deeq A.

Puntland oo sheegtay in dowladda Soomaaliya ku sii socoto burbur siyaasadeed iyo mid amni oo horseedi kara kala tag

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1756674101424.jpg?resize=1000%2C8

Dowladda Puntland oo warsaxaafadeed soo saartay ayaa ku celisay walaaca ay ka qabto jahwareerka siyaasadeed ee ku sii xoogeysanaya Soomaaliya iyo hubanti la’aanta ku timid geeddi socodka hannaanka dowlad dhiska dalka.

“Dowladda Puntland waxay cambaareynaysaa siyaasadda guracan ee Madaxweynaha JFS uu ku faragalinayo, kuna kala qaybinayo hay’adaha dastuuriga ah, iyo Ururada u midoobay toosinta siyaasadda Dowladda Federaalka. Dhaqanka faragalinta iyo kala qaybinta hay’adaha dastuuriga ah iyo Ururada siyaasadeed ayaa ku saleysan xiniftan iyo rabitaan masaaliix shaqsi ah oo ay Soomaaliya horey u soo martay, una horseeday burbur siyaasadeed iyo mid amni.”

“Dowladda Puntland waxay ayidaysaa war saxaafadeedkii ay Maantay soo saareen Madasha Samatabixinta, waxayna ku celinaysaa baaqa in Madaxweynaha JFS ee muddo xileedkiisu ku egyahay 15ka May 2026 uu talada Dalka miiska dhigo, dhageystana talooyinka Saamileyda siyaasadeed ee Dalka si loo gaaro heshiis loo dhan yahay oo ay ku qabsoonto doorashada Goleyaasha Baarlamaanka iyo Madaxweynaha JFS si waafaqsan Dastuurka kumeel gaarka ah ee 2012kii” ayaa lagu yiri Warsaxaafadeedka Puntland.

Dowladda Puntland ayaa sheegtay in iyada oo ku dhaqmeysa Dastuurkeeda iyo Dastuurka kumeel gaarka ah ee Federaalka Soomaaliya (2012), haddana diyaar u tahay in ay ka qayb qaadato sidii looga hortagi lahaa in hay’adaha Dowladda Federaalka ah ay galaan mugdi sharci, kaas oo Dalka u horseedi kara firaaq dowladnimo.

Halkaan ka akhriso Warsaxaafadeedka

FB_IMG_1756673024136.jpg?resize=1000%2C1

PUNTLAND POST

The post Puntland oo sheegtay in dowladda Soomaaliya ku sii socoto burbur siyaasadeed iyo mid amni oo horseedi kara kala tag appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this