Sign in to follow this  
Deeq A.

Puntland: Duqa degmada Gaalkacyo oo lagu wado in uu maanta xilkii iska casilo

Recommended Posts

Deeq A.   
Polish_20250902_094244887.jpg?resize=100

Duqa degmada Gaalkacyo, Maxamed Abdirisaaq Daacad oo maanta Shir deg deg kula ballansan xildhibaannada golaha degaanka degmadaasi ayaa lagu soo warramayaa in uu xilka iska casilayo.

Maayir Daacad oo farriin qoraaleed u diray xubnaha golaha degaanka Gaalkacyo ayaa ka dalbaday in ay maanta Shir deg deg ah isugu yimaadaan, balse wax faahfaahin ah ma raacin qoraalkiisa, sidan ka xiganay xubno ka tirsan golaha degaanka Gaalkacyo.

Warar kale oo soo baxay ayaa sheegaya maayirka Daacad uu shirkan deg deg ah kaga dhawaaqi doono in uu si rasmi ah isaga casilay xilkii duqa degmada Gaalkacyo, markii uu ka shaqayn waayay xubnaha golaha degaanka oo u badan dhalinyaro mar kasta dhaqaale doon ah.

Mar aan isku daynay in aan xiriir la samayno maayirka si aan uga xaqiijino warka ku saabsan iscasilaaddiisa nooma suurta-gelin, waxaase isa soo taraya wararka sheegaya in uu xilka iska casili doono, balse weli xaqiijin baan ku wadnaaa xogtaasi.

PUNTLAND POST

The post Puntland: Duqa degmada Gaalkacyo oo lagu wado in uu maanta xilkii iska casilo appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this