Sign in to follow this  
Deeq A.

Wadada labada boqol haddii Aad dhinaca Bari u socoto waxaad galaysaa goolad aan ……..

Recommended Posts

Deeq A.   

FB_IMG_1756816781753-300x164.jpg

“Wadada labada boqol haddii Aad dhinaca Bari u socoto waxaad galaysaa goolad aan lahayn wax calaamad ah oo cidhiidhi ku ah gaadiidka yaryar, Hal mar ayaad koonfur u jeedsanaysaa sida Aad u socoto,

Gaadiidka waawayni dhawr jeer ayey goolada dhaafeen oo jar dheer ka daateen waayo calaamadi ma jirto, sida gaadhigu highway u socdo ee uu taraag u yahay ayuu goolad cidhiidhi ah galayaa ka dibna jarkuu ka boodayaa, la isma waydiin ha la balaadhiyo goolada, calaamado ha la sameeyo sheegaya goolada iyo inta ay jirto, falaadh tilmaamaysa e si aan gaadhigu jarka uga dhicin waxa ay sameeyeen kaabado shub ah,

Waxba may Soo kordhin aan khasaare iyo dhimasho ahyn, gaadhigu in uu jarka ka dhaco iyo in uu shub ku dhaco labadaba waa khasaare, Arinta kale ee mucjisada ahi waxa weeye gaadiidka 60ka ton sida ee is jiidanayaa goolada markii ay Mari Kari waayeen haadka kale ayey ka baydhaan inta ay jidka iska eegaan in gaadhi ku Soo jiro.”

Waxa Qoray :- Foosi Wadaad yare

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this