Sign in to follow this  
Deeq A.

Puntland: Maraykanka oo shaaciyay in uu hawlgal qorshaysan la beegsaday hoggaanka Daacish

Recommended Posts

Deeq A.   
us-forces-conclude-operation-targeting-i

Dowladda Maraykanka oo bayaan rasmi ah soo saartay ayaa ka warbixisay hawlgal duqeymo ah, oo ay Todobaadkan ka fulisay buuraha Calmiskaad ee gobolka Bari, gaar ahaan togga Baallade oo ka tirsan degmada Boosaaso.

Bayaankan oo uu soo saaray Taliska ciidamada Maraykanka ee (AFRICOM) ayuu ku xaqiijiyay in uu fuliyay hawlgal ka kooban weerarro qorshaysan oo uu la beegsaday goobo ay ku dhuumanayeen hoggaanka Daacish ee ku sugan buuraha Golis oo dhaca gobolka Bari ee Puntland.

“Duqeymahan dilaaga ah waxay muujinayaam siday nooga go’an tahay xaqiijinta in muwaadiniinta Maraykanka iyo saaxiibadeennu ka badbaadaan khatarta Argagixisada Caalamiga ah” ayuu yiri Taliyaha ciidamada Maraykanka ee qaaradda Afrika Gen. Dagvin Anderson oo ka warbixinayay hawlgalkaasi.

Wuxuu sidoo kale u hambalyeeyay ciidamada Maraykanka iyo saaxiibadooda Soomaalida ah (ciidanka Puntland) oo uu ku amaanay in ay dejiyeen hal-beeg fulineed si wacan loo qorsheeyay oo wadajir ah, kaasi oo ka dhan ah kooxaha doonaya in ay argagixisada u soo dhoofiyaan Maraykanka iyo shuraakadiisa.

us-forces-conclude-operation-targeting-i us-forces-conclude-operation-targeting-i us-forces-conclude-operation-targeting-i us-forces-conclude-operation-targeting-i us-forces-conclude-operation-targeting-i

PUNTLAND POST

The post Puntland: Maraykanka oo shaaciyay in uu hawlgal qorshaysan la beegsaday hoggaanka Daacish appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this