Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Deni oo Boosaaso ku qaabilay wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1756209797848.jpg?resize=1000%2C6

Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni oo ku sugan Boosaaso ayaa maanta qaabiley wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya danjire James Swan oo booqasho hal maalin ah ku yimid Puntland.

Warsaxaafadeed ka soo baxay Madaxtooyada Puntland ayay ku sheegtay in madaxweyne Deni uu qaabiley danjire James Swan, oo ay weheliyaan saraakiil ka tirsan Xafiiska Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, waxaana intaasi kaddib labada dhinac ee Puntland iyo mas’uuliyiinta Qaramada Midoobey yeesheen kulan gaar ah.

“Kulanka oo ay ka qeybgaleen xubno ka mid ah Golaha Xukuumadda ayaa looga hadlay xaaladda guud ee Soomaaliya gaar ahaan  Amniga , Siyaasada iyo  arrimaha ban’aadantinimo, Sidoo kale waxaa kulanka looga hadlay  Hawlgalka Ciribtirka Argagixisada ee hadda ka socda Calmiskaad, iyadoo ay Qaramada Midoobey ku boggaadisay Dowladda Puntland sida ay isaga ciribtirayso Argagixisada” ayuu u qornaa Warsaxaafadeedka Puntland.

Wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobey u qaabilsan arrimaha Soomaaliya danjire James Swan ayaa sidoo kale dhawaan la kulmay mas’uuliyiin heer Federaal iyo heer dowlad goboleed ah, waxaana u danbeeyay madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Lafta Gareen.

PUNTLAND POST

The post Madaxweyne Deni oo Boosaaso ku qaabilay wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this