Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidamada Puntland oo Ceelka Ida-kacab ee togga Baallade ka saaray firxadkii Daacish

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1756286175712.jpg?resize=706%2C40

Ciidamada difaaca Puntland oo guluf xooggan ku ekeeyay difaacyo adag oo firxad ka tirsan Daacish ka samaysteen buuraha Calmiskaad ayaa ku guulaystay in ay argagixisada ka saaraan ceelka Ida-kacab oo dhaca tog weynaha Baallade.

War ka soo baxay Hawlgalka Calmiskaad ayuu ku xaqiijiyay in ciidamada difaaca Puntland guluf xooggan ka fuliyay togga Baallade ay ku guulaysteen in ay argagixisada ka saaraan ceelka Ida-kacab oo ay ku dhuumanayeen firxad kamid ah mileeshiyaadka Daacish ee baxsadka ah.

Hawlgalkan oo qaatay in ka badan 72 saac ayay Ciidamadu ku dileen dagaallamayaal kamid ah argagixisada oo halkaasi ku dhuumanayay sida uu sheegay Xafiiska Warbaahinta u qaabilsan Hawlgalka Calmiskaad oo warkan soo saaray.

“Gulufyo guulaystey oo Ciidamada Difaaca Puntland ay ku ekeeyeen muddo 72-saacadood ah Khawaariijta Daacish ayay kulaayeen Sharwadayaal, kagana qabsadeen fadhiisimo cusub oo uu ka mid yahay Ceelka Idakacab ee tog weynaha Baallade” ayuu u qornaa Warka ka soo baxay Hawlgalka Calmiskaad.

PUNTLAND POST

The post Ciidamada Puntland oo Ceelka Ida-kacab ee togga Baallade ka saaray firxadkii Daacish appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this