Sign in to follow this  
Deeq A.

Soomaaliya ayaa sii adkaysay xidhiidhka ay la leedahay Shiinaha si ay uga hortagto madax-banaanida Somaliland

Recommended Posts

Deeq A.   

GzLHmvpa0AABNtM-300x169.jpeg

Soomaaliya waxay u weecanaysaa Beijing si ay u xaqiijiso midnimada dhulkeeda. Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre ayaa booqasho rasmi ah ku jooga dalka Shiinaha oo uu kaga qeyb galayo Carwadii toddobaad ee Shiinaha iyo Carabta oo ah madal dhaqaale iyo mid diblomaasiyadeed. Waa markii ugu horreysay oo madax ka tirsan dowladda Soomaaliya uu dalka yimaado. Labada dal waxay doonayaan inay muujiyaan fahamkooda si ay uga jawaabaan rajada laga qabo in Maraykanku aqoonsado Somaliland.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre ayaa 24-kii August gaaray dalka Shiinaha si uu u xoojiyo iskaashiga dhaqaale ee Soomaaliya iyo Beijing. Maalin ka hor, wuxuu horay ula kulmay safiirka Shiinaha u fadhiya Muqdisho. Labada nin waxay muujiyeen rabitaankooda ku aaddan xoojinta iskaashiga istiraatijiyadeed ee ilaalinta midnimada qaranka iyo madax-bannaanida dalkooda.

Isku soo dhawaansho cad
Isku soo dhawaanshahan cad ayaa ku soo beegmaya toban maalmood ka dib markii Senator Ted Cruz oo ka tirsan xisbiga Jamhuuriga Maraykanka uu qoray warqad uu kaga dalbanayo Donald Trump inuu Somaliland u aqoonsado dal madax banaan. Wuxuu carrabka ku adkeeyay mowqifkeeda istaraatiijiyadeed, iskaashiga amniga, iyo xiriirka ay la leedahay Taiwan iyo Israel. Sidaas awgeed wuxuu higsanayaa inuu ka hortago saamaynta Shiinaha ee gobolka.

“Faragelin halis ah”
Jawaab deg deg ah oo ka soo baxday safaaradda Shiinaha ee Soomaaliya ayaa ku gacan seyrtay hadalka Senator-ka oo ay ku tilmaantay inuu yahay “faragelin dhab ah oo lagu hayo arrimaha gudaha ee Soomaaliya”, waxayna dhaleeceysay “Hab-dhaqan cabsi-gelin ah. Beijing ayaa sidaas ku caddeysay inay taageersan tahay madax-bannaanida dhuleed ee Soomaaliya, waxaanay dhaleecaysay xidhiidhka Somaliland iyo Taiwan, oo ay Madaxbanaanideeda ay waligeed diidi jirtay

https://www.rfi.fr/fr/afrique/20250825-la-somalie-resserre-ses-liens-avec-la-chine-pour-emp%C3%AAcher-l-ind%C3%A9pendance-du-somaliland

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this