Deeq A. Posted August 27 Belewdeyne (Caasimada Online) – Ku dhawaad 30 oday dhaqameed ayaa la sheegay in kooxda Al-Shabaab ay saacadihii lasoo dhaaday ka afduubatay gobolka Hiiraan, waxaana ay la aadeen deegaanno ay haatan si buuxdo ay gacanta ugu hayso kooxda. Ilo wareedyo deegaanka ah ayaa Caasimada Online u sheegay in Al-Shabaab ay lasoo xiriireen odayaasha, kadibna ay ku wargeliyeen inay diyaar u yihiin inay heshiis la galaan, iyaga oo ugu yeeraan inay yimaadaan xarumahooda, si loo wada-hadlo. Wararka ayaa intaasi kusii daraya in odayaasha culeys la saaray, kadibna ay xigtay in afduub ahaan xoog loogu watay, waxaana la geeyay qaybo kamid ah deegaannada ay maamulaan Al-Shabaab ee ku yaalla gobolka intiisa kale. Kooxda Al-Shabaab oo toddobaadyadii lasoo dhaafay cadaadis ku heysay odayaasha iyo dhammaan shacabka deegaanadaas ayaa ka weysay waxyaabihii ay ka dalbadeen oo noqday kuwo la fuli waayey. Sidoo kale kooxda ayaa dalbaneysa arrimo ay ka mid yihiin in la keeno dhallinyaro ay askareeyaan oo u dagaalanta, haddii ay dhacdana ay nabad gelin doonaan dadka deegaanka. Waxaas oo dhan markii ay suurta geli waayeen oo odayaasha deegaanka ay iska diideen ayaa si xoog ah loo afduubtay, waxaana kooxda ay dooneyso inay maquuniso, si ay u qaataan fikirkooda. Horay waxaa u jirtay n 20 kamid ah waxgaradka ku dhaqan bariga Hiiraaan inay afduubteen Al-Shabaab, kuwaas oo illaa iyo hadda ku maqan dhankooda, taas oo culeyska kusii kordhineyso reer Hiiraan oo horay si adag ula dagaalamay kooxaha Khawaarijta. Dhanka kale waxaa lasoo warinayaa in kooxda Al-Shabaab ay ciqaab daran ku bilowday dadka shacabka ah ee ku nool deegaanada ay dib u qabsadeen ee HirShabelle, canshuur ayey ku soo rogeen beeraha, xoolaha suuqyada loo iib keeno, gaadiidka iyo ceelasha biyaha. Intaas waxaa ka sii daran in sharafta dadkaas muslimiinta ah ay meel uga dhacayaan, iyagoo ku cadaadinaya inay siiyaan gabdho ay xoog ku guursadaan, carruur ay askareeyaan iyo odayaal dhaqan oo ku shaqeeya amarradooda, una dhaxeeya bulshada deegaanka iyo ayaga oo saacad kasta amarro cusub soo rogi kara. Share this post Link to post Share on other sites