Sign in to follow this  
Deeq A.

Turkiga oo Soomaaliya u ballan-qaaday in uu 2 bilyan sanadkii uga soo saari doono…

Recommended Posts

Deeq A.   
Alper-Aktas.jpeg

Muqdisho (Caasimada Online) – Safiirka Türkiye u fadhiya Muqdisho, Alper Aktas, ayaa Talaadada ku dhawaaqay in dalkiisu uu ballaarin doono mashaariicda uu ka wado Soomaaliya, oo mid ka mid ah uu horseedi doono dakhli sanadkii dhan laba bilyan oo dollar. 

Danjire Alper Aktas ayaa sheegay in mashaariicda ay ku jiri doonaan saldhig hawada sare ah iyo iskaashi kalluumeysi oo la xoojiyay, isagoo sheegay “ballanqaadyadii aan samaynay oo dhan ilaa hadda waan ka soo baxnay” xilli uu ka hadlayay furitaanka Toddobaadka Labaad ee Kalluumeysiga Qaranka Soomaaliya.

Isagoo ka hadlayay munaasabaddaas oo hal-ku-dheg looga dhigay “Sugnaanta Cuntada iyo Hubinta Tayada” kuna qabsoontay Muqdisho, ayuu Aktas carrabka ku adkeeyay in mashaariicdii markii hore ay dadka qaar shaki ka muujiyeen ay dhammaantood hirgaleen, waxaana ka mid ah dhismaha weyn ee safaaradda, Saldhigga Tababarka Millateriga ee TURKSOM, oo TURKSOM ay u taagan tahay “Somali Turk Gorev Kuvveti Komutanligi”, iyo Isbitaalka Recep Tayyip Erdogan.

Isagoo ka hadlayay iskaashiga kalluumeysiga, ayuu Aktas yiri “qiyaastii $2 bilyan oo doollar oo khayraad ah ayaa sannad walba idinku suga badweynta. Annagoo kaashanayna maraakiibta kalluumeysiga ee Turkiga, ayaan soo saari doonnaa qaybtaas, waxaana walaalaheenna Soomaaliyeed ay u isticmaali doonaan sidii ay xaq ugu lahaayeen.”

Danjiraha ayaa sidoo kale daaha ka rogay qorshayaal himilo weyn leh oo ku saabsan iskaashiga hawada sare, isagoo yiri: “Waxaan sidoo kale dhisi doonnaa saldhigga hawada sare, waxaana si wada jir ah u arki doonnaa dayax-gacmeedyo cirka loo ganayo oo ka duulaya saldhiggaas.”

Aktas wuxuu mar kale ku celiyay sida ay Türkiye uga go’an tahay inay fuliso ballanqaadyadeeda Soomaaliya: “Ballanqaadyadii aan samaynay oo dhan ilaa hadda waan ka soo baxnay. Waan ka dhabeynay hadalkeenii sahaminta saliidda, iyo gaaska dabiiciga ah. Midda kalluumeysigana sidoo kale waan ka soo bixi doonnaa.”

“Walaaltinimada Türkiye iyo Soomaaliya waxay sii wadi doontaa inay niyad-jabiso kuwa isku daya inay wiiqaan rajadeenna iyo kalsoonideenna,” ayuu xusay.

Ballaarintan hadda lagu dhawaaqay waxay salka ku haysaa booqashadii taariikhiga ahayd ee Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan uu Soomaaliya ku yimid sannadkii 2011, xilligaas oo dalku uu wajahayay abaartii ugu darnayd muddo tobannaan sano ah, taasoo mas’uuliyiinta Soomaalidu ay ku tilmaameen mid wax weyn ka beddeshay xaaladda oo soo afjartay sannado badan oo go’doon ahaa.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this