Sign in to follow this  
Deeq A.

Boosaaso: Dowladda Maraykanka oo Caawa duqeymo culus ka wada buuraha Calmiskaad

Recommended Posts

Deeq A.   
f_mo_la_iraq_bombing_190910.jpg?resize=1

Dowladda Maraykanka ayaa Caawa duqeymo culus ku garaacaysa togga Baallade, gaar ahaan nawaaxiga Ceelka Maraagade, oo ay ku go’doonsan yihiin firxad ka tirsan mileedhiyaadka Daacish oo la rumaysan yahay in ay ku jiraan hoggaamiyaal sare.

Saraakiil ka tirsan Hawlgalka Calmiskaad ayaa xaqiijiyay in makhribnimadii Caawa duqeymo culus ku bilowdeen aagga Maraagade, oo ay ku dhuumanayaan horjoogayaal iyo  dagaallamayaal ka tirsan Daacish oo ku go’doosan aga-gaarka Ceelkaasi, kaddib markii dhinac kasta ciidamada Puntland ka fadhisteen.

Duqeyntan ayaa timid, iyadoo shalay iyo maanta ciidamada difaaca Puntland hawlgal culus ka sameeyeen laba jiho oo dhaca togga Baallade, uuna kamid yahay ceelka Maraagade, islamarkaana halkaasi lagu dilay xubno ka tirsan argagixisada Daacish, halka intii kale ku xanniban yihiin godad ay ka samaysteen difaacyo adag.

Saraakiisha Hawlgalka Calmiskaad ayaa sheegaya in hadda firxadka Daacish ka harsan yihiin wax ka yar 100 dagaallame, oo ilaalo u ah horgoogayaashii kooxda, kuwaasi oo ku urursan godad kooban, oo ay ku hareeraysan yihiin ciidamada difaaca dowladda Puntland.

PUNTLAND POST

The post Boosaaso: Dowladda Maraykanka oo Caawa duqeymo culus ka wada buuraha Calmiskaad appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this