Sign in to follow this  
Deeq A.

Xanuuno ba’an oo ka dhashay Raashinka dhacay ee loo soo raro dalka Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1756014073719.jpg?resize=720%2C48Kani waa Raashin dhacay oo Garowe lagu qabtay Jan 2025

Dhawaanahan waxa soo badanaya walaaca laga muujinayo khatarta Raashinka dhacay oo ganacsatada Soomaaliyeed si ku tala-gal ah taariikh cusub ugu dul qoraan, kadibna u soo raraan dalka.

Waxa la sheegaya in qaar kamid ah ganacsatada Soomaaliyeed Raashinka dhacay ka soo ka keenaan bakhaaro dibadda ku yaal oo la isaga ururiyo, si qashinka loogu daro, balse ganacsatadu soo rartaan, kadibna taariikh aan jirin u  samaystaan oo bulshada ka iibiyaan.

Walaaca khatartan waxa sii xoojisay markii Soomaali badan oo dhaqaatiir u tegey dalka dibaddiisa loo sheegay in jirkooda laga helay sun ka abuurantahay cuntada dhacday, halka qaar kalena laga helay xanuunka Kansarka ee caloosha ku dhaca oo waayadan si xawli ah ugu soo badanaya guud ahaan Soomaaliya.

Ha yeeshee, ilaa iyo hadda ma jirto cid baaritaan sugan ku samaysay walaacan bulsho ee ku saabsan khatarta cuntada dhacday ee Soomaaliya loo soo raro iyo xanuunnada ba’an ee ka dhasha, kuwaasi oo galaaftay nolosha boqollaal Soomaaliya.

PUNTLAND POST

The post Xanuuno ba’an oo ka dhashay Raashinka dhacay ee loo soo raro dalka Soomaaliya appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this