Sign in to follow this  
Deeq A.

Aqoonsiga Somaliland: Isbarbardhigga Somaliland iyo Koonfurta Suudaan

Recommended Posts

Deeq A.   

website-cover-441.jpg-300x169.webp

Somaliland waxa ay xorriyaddeeda ka qaadatay Boqortooyada Ingiriiska, 26-kii Juun 1960, taas oo muddo gaaban ka dhigtay dal madax-bannaan, ka hor intii aanay si degdeg ah ula midoobin Soomaaliya, 1-dii Julaay 1960, si loo aasaaso Jamhuuriyaddii Soomaaliyeed. Hase yeesho e, burburkii dowladdii dhexe iyo dagaalladii sokeeye ee qarxay dabayaaqadii 1980-meeyadii iyo horraantii 1990-meeyadii ayaa sababay in Somaliland ay dib ugu dhawaaqdo madax-bannaanideeda, sannadkii 1991-kii. Go’aankani waxa uu ka turjumayay rabitaanka shacabka iyo hoggaamiyeyaasha deegaanka oo doonayay in ay ka baxaan fowdada, amni-darrada iyo kala dambeyn la’aanta ka jirtay inta kale ee Soomaaliya. Tan iyo wakhtigaas, in kasta oo aan weli si rasmi ah loo aqoonsan caalami ahaan, haddana Somaliland waxa ay si wax-ku-ool ah u dhistay dowlad waaqici ah (de facto state) oo leh hay’ado sharci iyo maamul shaqeynaya, dastuur qoran, iyo nidaam siyaasadeed oo daboolaya baahiyaha bulshada, dhaqaalaha iyo amniga. Waxa si joogto ah loo qabtay doorashooyin ku dhisan tartan furan, awoodda dowladduna si nabad ah ayaa, marar badan, loo kala wareejiyay. Xasiloonida iyo nidaamka ay dhistay ayaa ka sarreeya heerka, inta badan, gobollada kale ee Geeska Afrika. Haddii lagu eego qodobada lagu qeexay Heshiiskii Montevideo ee 1933-kii, Somaliland waxa ay si cad u buuxisay dhammaan shuruudaha dowladnimo:

  1. Bulsho joogto ah: Dad leh aqoonsi mideysan iyo xidhiidh taariikheed oo ku xidhan dhulkan.

  2. Dhul cayiman oo leh xuduudo la aqoonsan yahay: In kasta oo aan la aqoonsanayn, haddana, xuduuduhu waxa ay ku salaysan yihiin kuwii maxmiyaddii hore.

  3. Maamul shaqeynaya: Hay’ado sharci-dejin, fulin, iyo garsoor oo u shaqeynaya si joogto ah.

  4. Awood xidhiidh dibadeed: Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo firfircoon, xidhiidhna la leh dowlado iyo hay’ado caalami ah, in kasta oo aanay rasmi ahayn.

Hase yeesho e, Qaramada Midoobay, Midowga Afrika, iyo dowladaha waaweyn ee caalamku, weli, si rasmi ah uma aqoonsana madax-bannaanida Somaliland. Taas oo loo arko in ay abuurtay xaalad cadaalad-darro ah, iyada oo badanaa loogu yeedho gobol ka tirsan Soomaaliya, in kaste oo ay jiraan ha’ayado dhisan, nidaam dimuqraadi ah, iyo amni ka sarreeya dalal badan oo gobolka ah. Haddana, muddo ka badan soddon sano, Somaliland waxa ay wadday olole diblomaasiyadeed oo joogto ah si ay u kasbato aqoonsi caalami ah, iyada oo qoraallo, warbixinno, iyo kulammo joogto ah la yeelanaysay Qaramada Midoobay, Midowga Afrika, iyo ururrada gobolka. Jaaliyadaha Somaliland ee dibadda ku nool ayaa, iyaguna, door muuqda ka qaatay dedaalladan, iyaga oo abaabulay shirar, dood cilmiyeedyo, iyo ololeyaal warbaahineed oo lagu faafinayo xaqiiqooyinka iyo guulaha ay gaadhay. Si kastaba, ilaa maanta ma jiro dal si buuxda u aqoonsaday, taas oo ka dhigaysa Somaliland tusaale gaar ah oo ku saabsan dal si buuxda u dhisan balse aan weli helin aqoonsiga caalamiga ah ee uu u qalmo.

Taariikhda iyo dedaallada Somaliland ee aqoonsiga caalamiga ah

Somaliland waxa ay ahayd dhul uu Ingiriisku gumeysan jiray, ilaa ay xorriyaddeeda ka qaadatay 26 Juun 1960, xilligaa oo si rasmi ah loogu aqoonsaday dal madax-bannaan. Xorriyaddaasi waxa ay socotay shan maalmood oo keliya, ka hor intii aanay ku biirin Soomaaliya (oo markaas ahayd dhulkii Talyaanigu maamulayay), 1-dii Julaay 1960. Midowgaasi waxa uu ka dhashay rajo weyn oo laga qabay in la dhiso qaran Soomaaliyeed oo mideeya dhammaan dadka Soomaaliyeed. Hase ahaato e, midowgii labada dhul ma aanu marin hab sharciyeed dhamaystiran, loogumana ansixin si rasmi ah baarlamaan mideysan oo ku dhisan qaab dowladnimo oo hufan. Taasi waxa ay sababtay in muddo ka dib ay soo baxaan tabashooyin siyaasadeed, dhaqaale iyo kuwo awood-qaybsiga la xidhiidha, kuwaas oo sii kordhayey sannadihii xigay. Markii dowladdii dhexe ee Siyaad Barre dhacday 1991-kii, shirar isdaba-joog ah oo ay isugu yimaadeen madax-dhaqameedka, siyaasiyiinta iyo qaybaha bulshada ee Somaliland ayaa lagu go’aamiyay in dib loo soo celiyo madaxbannaanidii ay hore u heshay sannadkii 1960-kii. Go’aankaasi waxa uu ahaa isku-day lagu doonayay in Somaliland lagu badbaadiyo, lagana fogeeyo colaaddaha, fawdada iyo kala dambayn la’aanta ka dhacaysay inta kale ee Soomaaliya.

Tan iyo waqtigaas, waxa ay ku guulaysatay in ay si nabad ah u maamusho dhulkeeda, iyada oo dhistay dowlad leh dastuur rasmi ah, hay’ado shaqeeya, iyo nidaam doorashooyin dimuqraadi ah ku dhisan. Waxaa marar badan la qabtay doorashooyin madaxtinimo iyo baarlamaan, xilliyo kalena si isku mar ah ayaa loo qabtay, taas oo lka dhigtay tusaale ka duwan dalal badan oo ku yaalla Geeska Afrika, marka la eego xasilloonida siyaasadeed, sharciyeynta nidaamka dowladnimo, iyo awoodda maamulka.

Inkasta oo Somaliland muddo dheer isku maamulaysay sidii dal madax-bannaan, haddana aqoonsi rasmi ah kama helin beesha caalamka. Inta badan dowladaha caalamku waxa ay weli ku adkaysanayaan in ay weli qayb ka tahay Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Arrintan ayaa hor istaagtay in ay ku biirto ururrada iyo hay’adaha caalamiga ah sida Qaramada Midoobay, Bangiga Adduunka, iyo Sanduuqa Lacagta Adduunka (IMF), tusaale ahaan taasina waxa ay caqabad ku noqotay helitaanka gargaar caalami ah iyo maalgashi toos ah.

Si kastaba, Somaliland kama quusan dadaalka ay ugu jirto aqoonsi. Waxa ay samaysay xidhiidho aan rasmi ahayn oo ay la yeelatay dalal dhowr ah, oo ay ku jiraan Maraykanka, Isu-tagga Imaaraadka Carabta, Itoobiya, iyo Taywaan. Sidoo kale, hoggaamiyeyaasha iyo bulshadu waxa ay mar kasta cod dheer ku gaadhsiiyaan beesha caalamka dalabkooda ah in loo aqoonsado dal madax-bannaan, iyaga oo abaabulaya ololeyaal diblomaasiyadeed iyo kuwo warbaahineed. Hase yeesho e, dedaalladaas weli ma noqon kuwo midho dhalay sababta oo ah arrimo siyaasadeed oo adag ayaa hor taagan, kuwaas oo la xidhiidha danaha istiraatiijiga ah ee gobolka, mabda’a Midowga Afrika ee ah in la dhowro xuduudihii gumeysiga, iyo diidmada dowladda Federaalka Soomaaliya. Sidaa darteed, in kasta oo Somaliland ay si dhab ah ugu dhaqmayso sidii qaran madax-bannaan, haddana sharci ahaan, Somaliland waxa ay dooddeeda ku saleysay mabda’a caanka ah ee “uti possidetis juris”kaas oo Midowga Afrika ay ku adkaysteen in aan dib loo beddelin xuduudihii ay reebeen quwadihii gumeysigu, halka ay Somaliland ku doodeyso arrinteedu in aanay ahayn dib-u-habayn xuduudeed ama dhul ku darsasho cusub, balse ay tahay soo celin xuduudihii Maxmiyaddii Ingiriiska ee 1960-kii si rasmi ah loogu aqoonsaday dal madax-bannaan.

Sida ay sheegto, muddo soddon sano ka badan ayaa ay si de facto ah oo xaqiiqo ah u dhisatay dowlad shaqaynaysa, taas oo sii xoojisay dooddeeda sharciyeed. Aragtidan ayaa sababtay in dalalka qaar oo gobolka ka tirsan, sida Yugaandha iyo Suudaan, iyo kuwo kale oo Bariga Afrika ka mid ahi, ay u arkaan khilaafka Somaliland iyo Soomaaliya mid si gaar ah uga duwan kiisaska kale ee gooni-isu-taagga. Qaar badan waxa ay ku adkaysteen in Somaliland mar hore dal madax-bannaan ahayd, xitaa haddii ay ahayd muddo gaaban, ka dibna ay si iskood ah ula midoobeen Soomaaliya, sidaas darteedna ay dib u soo ceshatay madax-bannaanidii hore ee ay lahayd. Hase yeesho e, Midowga Afrika weli go’aan cad kama soo saarin arrintaas. Ururku waxa uu weli ka cabsi qabaa in aqoonsiga Somaliland uu abuuro tusaale cusub oo sababi kara in gobollo kale oo Afrika ku yaalla ay dalbadaan in ay ka go’aan dalalkooda, taas oo khatar ku noqon karta xasilloonida qaaradda. Sidaas awgeed, in kasta oo doodda Somaliland, sharci ahaan, xooggan tahay, haddana siyaasadda iyo danaha istiraatiijiga ahi waxa ay noqdeen caqabad weyn oo hor taagan aqoonsigeeda.

Koonfurta Suudaan: habka ay ku heshay aqoonsiga caalamiga ah

Marka laga hadlayo xaaladda Koonfurta Suudaan, geeddi-socodka aqoonsiga caalamiga ahi ma ahayn mid si kedis ah u dhacay, balse waxa uu ahaa mid si xeel dheer loo qorsheeyay. Qaramada Midoobay iyo dalalka deriska ayaa door muuqda ka qaatay heshiiskii nabadeed ee lagu magacaabay Heshiiska Nabadda ee Dhammeyskatiran (Comprehensive Peace Agreement – CPA) oo la saxiixay 2005-kii. Heshiiskan ayaa ahaa mid rasmi ah oo u dhexeeyay xukuumaddii Khartuum iyo ururkii hubeysnaa ee SPLM, waxaana si cad loogu qeexay in dadka Koonfurta Suudaan ay xaq u leeyihiin in mustaqbalkooda lagu go’aamiyo afti guud. Aftidan taariikhiga ah ayaa dhacday Jeenaweri 2011-kii, iyada oo natiijadii ka soo baxday noqotay mid aan muran lahayn: 98.83% dadka codeeyay waxa ay doorteen in Koonfurta Suudaan ka go’do Waqooyiga Suudaan oo ay noqdaan dal madax-bannaan. Natiijada waxaa si sharaf leh u aqbalay Madaxweynihii Suudaan, Cumar al-Bashir, kaas oo xusay in aftidu ay si nabdoon u dhacday. Aftidaas ka dib, 9-kii Julaay 2011, Koonfurta Suudaan waxa ay si rasmi ah ugu dhawaaqday madax-bannaanideeda. Isla maalintaas, dowladda Khartuum waxa ay aqoonsatay natiijada, taas oo Koonfurta Suudaan si buuxda ugu biirisay nidaamka siyaasadeed ee caalamka. Dhanka caalamka, go’aanka Koonfurta Suudaan si weyn ayaa loo soo dhaweeyay, iyada oo u hoggaansantay qorshihii hore loo dejiyay. Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa si degdeg ah uga falceliyay arrintaas, waxaana ay u gudbiyeen Golaha Guud codsi rasmi ah oo ah in dalka cusub lagu daro xubnaha ururka. Muddo lix bilood gudahood, 14-kii Julaay 2011, Golaha Guud ayaa cod gacan taag ah ku ansixiyay xubinnimada Koonfurta Suudaan, taas oo ka dhigtay dalka xubintii 193-aad ee Qaramada Midoobay. Xafladda aqbalaadda waxaa ka soo qaybgalay ergooyin dalal badan ka kala socday iyaga oo bogaadiyay sida nabadda iyo wada-xaajoodka ku dhisan ee uu dalku ku gaadhay madax-bannaanidiisa. Xoghayihii guud ee QM, Ban Ki-moon, ayaa Koonfurta Suudaan ku tilmaamay in ay tahay “qaran cusub oo si nabad ah ugu soo biiray bulshada caalamka.” Sidaas awgeed, Koonfurta Suudaan waxa ay heshay aqoonsi caalami ah oo ballaadhan; dalalkii saaxiibka la ahaa Suudaan waxa ay si degdeg ah u aqoonsadeen madaxbannaanideeda, halka Midowga Afrika uu kiiska Koonfurta Suudaan u arkay xaalad gaar ah oo aan si toos ah loogu dabaqi karin meelaha kale ee qaaradda.

Isbarbardhig sharci, siyaasad iyo diblomaasiyadeed
  1. Sharci:  Koonfurta Suudaan, sida aan hore u tilmaanay, waxa ay madax-bannaanideeda ku heshay hannaan sharci oo si rasmi ah u qeexnaa. Heshiiskii Nabadda ee loo yaqaanay Comprehensive Peace Agreement (CPA) ayaa dhigay in afti gooni-isu-taag ah la qabto, waxaana si cad u ansixisay dowladdii dhexe ee Khartuum. Sidaas darteed, go’itaanka Koonfurta Suudaan waxa uu ku yimid oggolaansho labada dhinac ah, taas oo sharciyeysay go’aanka shacabka Koonfurta. Somaliland, se, waxa ay ku dooddaa in midowgii ay 1960-kii la gashay Soomaaliya aanu ahayn mid, sharci ahaan, dhammaystiran oo waajib sharciyeed yeeshay. Sidaas awgeed, waxa ay ku dooddaysaa aragtida ah; gooni-isu-taaggu in aanu ahayn jebinta xuduud cusub, balse waa dib-u-soo-celin madaxbannaanidii ay hore u lahayd, oo ku salaysnayd xuduudihii gumeysigu dejiyay. Hase yeesho e, marka laga eego dhinaca sharciyada caalamiga ah, labada xaaladood waa ay ku kala duwan yihiin. Koonfurta Suudaan waxa ay go’day iyada oo ay jirto heshiis qoran oo labada dhinac saxeexeen, halka Somaliland ay ku dhawaaqday madax-bannaani, iyada oo ay dowladdii dhexe ee Soomaaliya burburtay oo aanay jirin cid sharci ahaan u matali karta oggolaansho ama diidmo. Sidoo kale, Ururka Midowga Afrika waxa uu xoogga saarayaa mabda’a uti possidetis juris (ilaalinta xuduudihii gumeysiga), taas oo caqabad ku noqotay in si fudud loo aqbalo kala qaybsanaanta Soomaaliya.

  2. Siyaasad: Arrimaha siyaasadeed iyo istiraatijiyadeed ayaa ahaa kuwa ugu saameynta badan labada kiis. Koonfurta Suudaan waxa ay heshay taageero caalami ah oo ballaadhan, gaar ahaan Mareykanka, Yurub, Imaaraatka iyo dalalka Bariga Afrika, kuwaas oo muddo dheer ku doodayay xuquuqda dadka Koonfureed iyo in la soo afjaro colaaddii muddada dheer socday. Taageeradan ayaa fududeysay in aftidii lagu kala go’ay si fudud loo aqbalo, laguna qanciyo dhinacyadii isku hayay. Dhanka kale, Somaliland, weligeed, ma ay helin cid si dhab ah u taageerta gooni-isu-taageeda, maadaama dalal badani ay si rasmi ah u garab taagnaayeen Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ku adkaysanaysay ilaalinta midnimada iyo xuduudaha dalka. Taas waxaa saldhig u ahaa danaha amni ee lagaga hortagayo argagixisada iyo khatarta xasillooni-darrada gobolka.

    Dalalka Afrika iyo reer Galbeedka ayaa, marar badan, ku celceliyey mowqifka “Midnimadda Soomaaliya” si looga hortago fawdo iyo burbur siyaasadeed oo dheeraad ah. Sidaas awgeed, halka Koonfurta Suudaan ay ku faa’iidday taageero siyaasadeed oo xooggan, Somaliland waxa ay ku koobnaatay taageero xaddidan oo ka timid dalal daris ah, iyada oo ka maqan heshiis caalami ah oo dammaanad qaadi lahaa geeddi-socod madax-bannaani oo sharci ah, hadda ayaad se mooddaa in albaabadii caalamku u soo furmayaan, iyada oo xidhiidho cusub iyo wada-hadallo caalami ah la dareemayo. Dalalka jaarka ah, sida Itoobiya iyo Kiiniya, ayaa si dhow ula socda isbeddelladaas, iyaga oo danaynaya dhinacyada amniga, ganacsiga iyo siyaasadda gobolka. Sidoo kale, Maraykanka iyo dalal kale oo reer Galbeed ah ayaa si gaar ah u eegaya xaaladda Somaliland, iyaga oo ka daalacanaya fursadaha ku jira xidhiidhka siyaasadeed, istiraatiijiga iyo dhaqaalaha. Taasi waxa ay ka dhigan tahay in Somaliland maanta fursad u heshay in ay ka baxdo go’doonkii siyaasadeed ee muddada dheer saarnaa, isla markaana ay albaab cusub ka hesho diblomaasiyadda iyo iskaashiga caalamiga ah.

  3. Diblomaasiyad: Koonfurta Suudaan waxa ay si degdeg ah ugu biirtay hay’adaha waaweyn ee caalamiga ah sida Qaramada Midoobay iyo Ururka Midowga Afrika, waxaana loo furey safaarado badan oo caalamka ah. Taageeradaasi waxa ay ku timid sababo la xidhiidha xidhiidhkii hore ee caalamku kula lahaa arrimaha nabadda iyo amniga gobolka, iyada oo aqoonsiga Koonfurta Suudaan loo arkayay tallaabo muhiim ah oo lagu dhimayo colaaddii muddada dheer soo jiitamaysay. Somaliland, dhanka kale, in kasta oo aanay weligeed helin xubinnimo buuxda oo hay’adahaas caalamiga ah, haddana waxa ay dhistay qaab diblomaasiyadeed u gaar ah oo ay ku difaacdo danaha shacabka reer Somaliland. Tusaale ahaan, waxa ay ka qayb gashay shirar gaar ah oo G-1 ah iyo wada-shaqeyn xaddidan oo ay la yeelatay hay’ado ka tirsan QM si ay u soo bandhigto codkeeda. Waxaa intaa dheer, Somaliland waxa ay si gaar ah ula yeelatay heshiisyo horumarineed dalal iyo shirkado caalami ah, tusaale ahaan, mashaariicda lagu horumarinayo dekedda Berbera ee fulinayso shirkadda loo yaqaano DP-WORLD iyo kii u danbeeyay ee loo yaqaanay MOU-gii oo ay la wada galeen Imaaraadka Carabta iyo Itoobiya. Si kastaba, heshiisyadan aan rasmiga ahayni marar badan waxa ay keeneen xiisado siyaasadeed. Soomaaliya waxa ay, marar badan, ku eedeysay Itoobiya iyo dalal kale in ay si dadban u aqoonsanayaan Somaliland, taas oo keentay in Itoobiya ay, marar badan, ku celiso in ay “hal albaab” u marayso Soomaaliya marka ay arrimaha Somaliland timaaddo. Dhanka kale, Somaliland waxa ay muujisay diyaar u ahaansho istiraatiijiyad dheer oo cusub, mid ka turjumeysa in ay dalal gaar ah la samayso iskaashi qoto dheer ama ay si toos ah ugu tiirsanaato maalgelinta gudaha iyo taageerada shacabka. Si kastaba ha ahaato e, istiraatiijiyaddan weli si buuxda looma hirgelin, taas oo ka dhigtay in Somaliland weli si iskeed ah ugu jirto safarka dheer ee ay ugu jirto aqoonsi rasmi ah iyo madax-bannaani caalami ah.

 

Cabdishakuur Ismaaciil

La soco qaybta Labaad

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this