Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Farmaajo oo markii u horreysay ka hadlay dhismaha Waqooyi Bari

Recommended Posts

Deeq A.   
Farmaajo-scaled.jpeg

Dooxa (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo) oo haatan dibad joog ah ayaa markii ugu horreysay maanta ka hadlay dhismaha maamul-goboleedka cusub ee Waqooyi Bari, isaga oo hambalyo diiran u diray guddoomiyaha cusub ee baarlamaanka maamulkaasi Mudane Aadan Cabdullaahi Aw-Xassan oo maanta lagu doortay magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.

Farmaajo ayaa ayaa guddoomiyaha cusub u rajeeyay inuu Alle u fududeeyo mas’uuliyadda culus ee loo igmaday oo ay ugu horreyso qabashada doorashada guud ee Waqooyi Bari.

“Hambalyo Guddoomiyaha la doortay ee Golaha Wakiillada Dowlad Goboleedka Waqooyi Bari Soomaaliya Mudane Aadan Cabdullaahi Aw-Xassan. Guddoomiyaha cusub waxaan Eebbe  uga baryayaa in uu u fududeeyo masuuliyadda loo doortay oo ay ugu horreyso dhammaystirka doorashada, hoggaaminta Golaha Baarlamaanka iyo dheelli-tirka dowladnimada Waqooyi Bari Soomaaliya” ayuu qoraalkiisa ku yiri Maxamed Farmaajo.

Waxaa kale oo uu hambalyo u diray guddoomiye ku xigeenka 1aad ee Baarlamaanka Waqooyi Bari Marwo Amran Axmed Xasan iyo Guddoomiye Kuxigeenka 2aad Mudane Cabdirisaaq Jaamac Warsame oo iyana maanta kusoo baxay doorashadii Laascaanood.

Sidoo kale, waxa uu bogaadin u jeediyay Xildhibaannada, Guddoonkii iyo Guddiga Kumeelgaarka ah ee qabtay doorashada guddoonka Golaha Baarlamaanka Waqooyi Bari, maadaama ay ku guuleysteen dhammaystirka doorashada loo xilsaaray.

Guddoomiye Aadan Cabdullahi Aw-Xasan oo kusoo baxay cod aqlabiyad leh ayaa hayb ahaan kasoo jeeda Beesha Mogadishu Clan, Cayr, Fiqishini, waana musharraxii ay dhiseysay Dawladda Federaalka Soomaaliya, sidoo kale wuxuu kamid yahay garabka Firdhiye, tan oo sii go’aamin karta natiijada doorashada madaxweynaha ee maamulkaasi.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta Xukuumadda Soomaaliya ayaa sidoo kale goobjoog ka ah howlaha dib u dhiska maamulka cusub ee Waqooyi Bari, waxayna weli dadaallo dheeraad ah ka waddaa magaalada Laascaanood ee xarunta Sool.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in doorashada hoggaanka maamulkan ay shaqsi gaar ah u wadato Dowladda Federaalka Soomaaliya, oo galaangal xooggan ku leh hannaanka doorasho ee maamulkaasi, waana hoggaamiyaha hadda talada haya ee Cabdulqaadir Firdhiye oo dhowaan ku biiray xisbiga wayn ee uu dhisay Madaxweyne Xasan Sheekh.

Dowladda dhexe ayaa dooneysa in maamulka cusub uu mar kale hoggaamiyo Firdhiye oo kumeel-gaarkii kasoo saaray, halka ay jagada madaxweyne ku-xigeenka la sheegay inay u xulatay Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Puntland, Cabdirashiid Jibriil oo ka soo jeeda  Sanaag, kaas oo ka baxay Puntland, kadibna dhaq-dhaqaaq culus ka bilaabay Waqooyi Bari.

Si kastaba, maamulkan cusub ayaa ah natiijo ka dhalatay colaad dhiig badani ku daatay, taas oo marxaladdo kala duwan soo martay, ugu dambeyntiina dhashay maamulka Waqooyi Bari Soomaaliya

537436893_1314661380231111_6293460350995

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this