Sign in to follow this  
Deeq A.

Daawo: Lacag ka badan hal milyan oo laga waayay qasnada DF – Yey ku maqan tahay?

Recommended Posts

Deeq A.   
Guutaale.jpeg

Muqdisho (Caasimada Online) – Hanti dhawrka guud ee qaranka, Axmed Ciise Guutaale oo maanta soo saaray warbixin sannadeed la xiriirta 2024 ayaa soo bandhigay baaris guud oo ay ku sameeyeen hay’adaha dowladda, isaga oo shaaciyay in lacag ka badan $1 milyan oo dollar ay ay maqan tahay qasnadda dhexe ee dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Guutaale ayaa sheegay in fatashaad lagu sameeyay 21 hay’adood, balse saddex kamid ah ay diideen baarista u hoggaansanaanta sharciga, kuwaas oo ay ku jiraan maxkamadaha rayidka ee dalka.

“Baarista u hoggaansanaanta sharciga waxa aan ku sameeyay oo kaliya 21 hay’adood oo kamid ah hay’adaha dowladda halka maamulka saddex kamid ah hay’adaha ku jiray qorshaha baaristu ay diideen aqbalidda iyo ka qayb-galka baarista iyo la shaqeynta xafiiska hantidhawrka guud, iyaga oo aan sheegin haba yaraatee sabab iyo cudur daar maangal ah” ayuu yiri Axmed Ciise Guutaale.

Waxaa kale oo uu soo bandhigay magacyada hay’adaha diiday baarista “Hay’adahaas waxay kala yihiin maxkamadda sare ee dalka oo miisaaniyadda dowladda ee sanadka 2024 ku lahayd qoondo dhan 2,715,177 dollar, labo maxkamadda racfaanka gobolka Banaadir oo miisaaniyadda dowladda ee sanadka 2024 ku lahayd qoondo dhan 937,179 dollar iyo saddex maxkamadda gobolka Banaadir oo miisaaniyadda dowladda ee sanadka 2024 ku lahayd qoondo dhan 2,110,504 dollar”.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in arrintaan ay hubanti la’aan wayn gelineyso hannaanka kor joogteynta iyo hubinta in qoondooyinka miisaaniyadda iyo khayraadka guud ee dowladda ay hay’adaaas u adeegsadeen, si waxtar u leh dowladda iyo dadka Soomaaliyeed.

“Diidista iyo iska caabinta fulinta baaritaanada hanti dhawrka ma muujineyso oo kaliya qatar maaliyadeed iyo halis maamul xumo oo u qarsoon hay’adaha diiday fulinta baarista, balse sidoo kale waxa ay hubanti la’aan gelineysaa hannaanka kor joogteynta iyo hubinta in qoondooyinka miisaaniyadda iyo khayraadka guud ee dowladda ay hay’adahaas u adeegsadeen si waxtar u leh dowladda iyo muwaadinka”  ayuu mar kale yiri Axmed Ciise.

Hanti dhawrka ayaa soo bandhigay lacag ka badan hal milyan oo lagu waayay saddexda heer ee maxkamadeed ee dalka, taas oo uu tilmaamay inay ka timid la wareegid damaanad, lacag dhiqis, ganaax iyo xaraash hantiyadeed, waxaana hanti dhawrku xaqiijiyay in dhammaan lacagahaasi aan lagu shubin qasnadda mideysan ee dowladda.

“Warbixinno rasmi ah oo muujinayo qabashada dakhli dawladeed oo aan lagu shubin qasnadda mideysan ee qaranka, kaas oo gaaraya 1,89,998.76 dollar, dakhligaas oo ay qabteen maxkamadaha darajada koowaad iyo labaad ee gobolka Banaadir, iyada oo wasaaradda maaliyadda iyo xafiiska xisaabiyaha guud ay xaqiijiyeen in aan dakhligaas habayaraatee lagu shubin nidaamka qasnadda mideysan ee qaran” ayuu sii raaciyay.

Waxaa kale oo uu maxkamadaha rayidka ee dalka ku eedeeyay inay gacanta ku hayaan shaqooyin iyo howlo ka baxsan garsoor iyo fasiraad ka baxsan sharciga.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this