Sign in to follow this  
Deeq A.

Caro xooggan oo ka dhalatay eedeyn uu FIQI geerida Jawaari kula xiriiriyay Khayre

Recommended Posts

Deeq A.   
fiqi.jpg

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi oo jeediyay khudbad xasaasi ah oo uu si gaar ah ugu weeraray xubnaha mucaaradka ayaa qayb kamid ah khudbaddiisa uga hadlay geeridii Allaha u naxariistee Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari) oo ahaa guddoomiyihii hore ee baarlamaanka Soomaaliya.

Fiqi ayaa madasha ka sheegay in Jawaari uu u dhintay murugo, wuxuuna soo jeediyay in diyadiisa loo raacdo Ra’iisul wasaarihii hore ee dalka Xasan Cali Khayre oo uu ku eedeeyay inuu ciidan ku weeraray baarlamaanka, uuna sabab uu ahaa in xilkiisa uu waayo Jawaari

“Guddoomiyihii odeygii Jawaahir ahaa Alle ha u naxariistee waxaan is leeyahay diyadiisa ninkaas Khayre ah haloo raacdo nimankii Raxaweyn waa joogaan murug ayuu u dhintay ninkaas” ayuu yiri Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya.

Waxaa kale oo uu yiri “Ninkii Kheyre ahaa ayaa dastuur iyo in la ixtiraamo xaquuqda aadanaha ka hadlaya, waa ninkii habeen madow soo weeraray oo inuu dilo rabay Cabdiraxmaan Cabdishakuur, waaba la yaabanahay dulqaadka Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, waa sidoo kale ninkii Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ciida soo geliyey,”.

Hadalkan kasoo yeeray Wasiir Faqi ayaa dhaliyay fal-celin xooggan, waxaana si caro leh uga hadlay xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka oo kasoo jeedo Koonfur Galbeed.

Xildhibaan Cabdirashiid Jillay oo qoraal soo saaray ayaa si adag ugu jawaabay Wasiirka Gaashaandhigga, wuxuuna tilmaamay inuu ku jees jeesay marxuumka, uuna u gefay.

“Waan ka xumahay Wasiirka difaaca sida anshax xumada ah oo jees-Jeeska ah ee uu uga hadlay Marxuum Prof Jawaari oo ahaa Guddoomiyahii hore ee barlamanka soomaliya oo ku suntanaa Aqoon, Akhlaaq iyo dowlad Wanaag. Wasiirka Wuxuu ka hadlay sababta uu u dhintay marxuumka iney eheyd murugo, Tasoo ah gaf weyn oo an la aqbali Karin marnaba!!” ayuu isna yiri Xildhibaan Cabdirashiid Jilley oo ka tirsan Golaha Shacabka.

Sidoo kale wuxuu sii raaciyay “Wasiirka dhabtii Waa ma xishoode Ciyaal Suuq ah ******** ah, ka aradan dhaqanka soomaaliga ah iyo akhlaaqiyaadka diinta suuban ee islaamka ah. Waa Qaaqle aan waxbo xeerin, xishoon, Xitaa Xurmeeyn waaye marxuum dalka u soo shaqeeyay xaalado adag, muxtarimna ahaa!”.

Xildhibaan Mukhtaar Maxamed Guuleed ayaa isna cambaareeyay hadallada kasoo yeeray wasiir Fiqi “Waxaan aad Iyo aad u cambaareynayaa hadalka gefka ah ee kasoo yeeray ninka ku magacaaban Wasiirka Gaashaandhigga XFS sida jeesjeeska ah ee uu siyaasad uga dhex raadiyey geeridii qorneyd ee kutimid alle ha unaxariistee Guddoomiyihii hore golaha shacabka Soomaaliyeed Proff. Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo ay Soomaali idilkeed markhaati ka tahay doorkiisii odaytinimo, Akhlaaqeed & dhismaha dowladnimada Somalia”.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this