Sign in to follow this  
Deeq A.

Daawo: CC Shakuur soo bandhigay wax yaab leh oo ‘Xasan uu ka shaqeynayo’

Recommended Posts

Deeq A.   
Cabdiraxmaan-Cabdishakuur-iyo-Xasan-Shee

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo shir jaraa’id qabtay ayaa weerar culus oo afka ah ku qaaday dowladda iyo si guud arrimaha uu ka shaqeynayo Madaxweyne Xasan Sheekh ee doorashada, dastuurka iyo khilaafaadka siyaasadda ay ugu horeeyaan.

Wuxuu sheegay in Xasan Sheekh uusan xitaa ku dhaqmeynin dastuurkii uu beddelay, “Bishii Maarso ayuu saxiixay dastuur dhigaya guddoomiyaha gobolka Banaadir waa lasoo dooranaa, hadana guddoomiyaha gobolka waa kii soo magacaabay, marka Xasan Sheekh doorasho kama shaqeynayee, wxuuu ka shaqeynayaa muddo kororsi,” ayuu yiri CC Shakuur.

Sidoo kale, wuxuu ka hadlay hanjabaadii wasiir Fiqi uu jeediyey habeen ka hor xilli uu u jawaabayey mucaaradka, wuxuuna yiri, “Hanjabaadda Wasiir Fiqi ee Yahuud maa tihiin mucaaradku si dhab ah ayuu u qaatay, mana garaneyno sida uu doorasho xor ah u qaban doono ninka sidaas noogu hanjabaya.”

Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur, wuxuu sidoo kale ka hadlay arrimaha diiwaan-gelinta dadweynaha, wuxuuna yiri, “Dadka masaakiinta ah gaadiidka ayaa lagala degayaa guryaha ayaa xoog looga soo saarayaa, khasab ayaa lagu diiwaan-gelinayaa, waana qof iyo qori waxa socda, marka hadii codeynta la gaaro ma Baasuukey adeegsa doonaan kuwaan?.”

Wuxuu intaas ku sii daray in Madaxweyne Xasan Sheekh uu sameystay ‘xisbi la yiraahdo halkeen uga haraa’ wuxuu sheegay in madaxdii dalka oo dhan uu ku soo daray iyo qof kasta oo dhulkii danta guud la siiyey, “Waa yaabaye maxaa kaloo haray, war doorasho waa tiirka ugu dambeeya ee dowladnimada” ayuu yiri CC Shakuur.

Wuxuu ka hadlay arrimaha dowlad goboleedyada, isagoo sheegay in doorashada maanta ka socota Woqooyi Bari uu sanado ka hor u diidan inay galaan dowlad goboleedyada Galmudug, Hirshabeelle iyo Koonfur Galbeed, “Markii aan weydiinay maxaa doorashada ugu diidan tahay dowlad goboleedyada madaxweynuhu wuxuu noogu jawaabay doorasho dadban ma rabo,” ayuu yiri.

Hoos ka daawo

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this