Sign in to follow this  
Deeq A.

Rooble oo ka laabtay taageeradii gooni isku taagga Somaliland, kadib weerarkii Fiqi

Recommended Posts

Deeq A.   
Rooble-1-scaled.jpeg

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble, ayaa iska beriyeelay inuu u doodayo madax-banaanida Somaliland, isagoo soo saaray qoraal uu ku muujiyey in xitaa aqoonsiga dowlad goboleedka Waqooyi Bari ay siisay dowladda federaalka uu ka xunyahay.

Rooble, ayaa muujiyey in maamulka Waqooyi Bari uu yahay qeyb laga jaray  Somaliland, sidaas darteed uusan ku faraxsaneyn in Somaliland lasii kala jaro, taas oo cadaawad kale u abuuri karta.

Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Cirro, oo ka soo jawaabay hadalkii uu horay u jeediyey Ra’iisul Wasaarihii hore Maxamed Xuseen Rooble, ayaa farriin u diray siyaasiyiinta kale ee Soomaaliyeed, kuwaas oo uu ka dalbaday in madax-banaanida Somaliland ay taageeraan, balse Rooble oo weerar badan oo afka ah la kulmay ayaaba ka noqday taageeradiisii.

Madaxweyne Cirro, ayaa yiri “Waxaan hambalyeynayaa siyaasiyiinta Soomaaliyeed ee garowsaday in Somaliland ay wax weyn qabsatay, xaqna u leedahay madax-banaanideeda, kuwaas oo Ra’iisul Wasaarihii hore Rooble uu ugu horeeyo.”

Sidoo kale, Cirro wuxuu darriin u diray siyaasiyiinta kale, wuxuuna yiri, “Siyaasiyiinta kale ee Soomaaliyeed ee ka xun wax qabsiga Somaliland, ictiraafkeeda iyo nabadeeda, ee dhahaya waxaan u adeegsaneynaa Al-Shabaab, waxaan leenahay kuwiina sida wanaagsan u fekeraya ku dayda.”

Hadalkii uu Rooble jeediyey Khamiistii ee Cirro uu ka soo jawaabay ayaa waxa uu ku yiri, “Waad u jeedaan xaalka Somaliland maanta meesha uu marayo, walaalaheen shalay iyaga ayaa calanka iyo midnimada keenay, laakiin maanta waxay la’yihiin cid tabashadooda kala fariisata, taas bedelkeeda waxaa loogu hanjabayaa in la burburi doono.”

Ra’iisul wasaarihii hore ayaa intaas ku sii daray, “Waa la socotaan burburka iyo caqabadaha lagu jaayo Somaliland, laakiin anaga raali kama nihin madaxweynahana waan u sheegnay.”

Hadda waxaa muuqata in Rooble uu ka laabtay hadalkaas, kadib markii si adag ay uga falceliyey xubno u uku jiro Wasiirka Gaashaandhigga Axmed Macalin Fiqi, oo si guud ugu jawaabay mucaaradka, balse dul istaagay, wax lala yaabana ku tilmaamay hadalkii Rooble qeybtii uu arrimaha Somaliland uga hadlay.

Halkaan hoose ka akhriso qoraalka uu Rooble isku beriyeelay:

Midnimada iyo wadajirka Qaranka Soomaaliyeed waa mid lama taabtan ah sida ku dhawran Dastuurka iyo shuruucda kale ee Dalka.

Qaddiyadda Soomaaliland waxa ay ka dhalatay xadgudub lagu galay magaca Qaranka Soomaaliyeed, xalkeeduna ma ahan in lagu daaweeyo xadgudub kale.

Xalka qaddiyadaan kuma jiro in la colaadiyo, maamulkooda la wiiqo, colaado gudaha ah lagu abuuro ee waa in xalka lagu raadiyo wada xaajood iyo walalnimo.

Kuma raacsani sida ay u wajahday Dawladda maanta xukunka haysa umana arko in xal lagu gaarayo.

Sidii aan horay ugu caddeeyay mawqifkayga, waxaan aaminsanahay in aan Maamulka iyo Shacabka Soomaaliland aan la colaadin, lakala qaybin, awoodda Dawladnimadana loo isticmaalin in lagu waxyeeleeyo xasiloonidooda amni iyo midooda siyaasadeed, waxaan kaloo aaminsnahay in lala galo wadahadal daacadnimo ku jirto, nuxurkiisuna yahay sidii loo ilaalin lahaa midnimada iyo wadajirka Qaranka Soomaliyeed loona maro walaalnimo iyo is qancin.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this