Sign in to follow this  
Deeq A.

CC Shakuur: In Fiqi noo hanjabo Xasan Sheekh ayaa soo go’aamiyey, waana halis

Recommended Posts

Deeq A.   
Fiqi-CC-Shakuur.jpeg

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo galabta warbaahinta la hadlay ayaa Madaxweyne Xasan Sheekh ku eedeeyey in Wasiir Fiqi uu u soo dhiibay hanjabaadda uu mucaaradka warbaahinta u mariyey ee “Yahuuud maa tihiin” taas oo si dhab ah ay u qaada doonaan.

“Wasiirka Difaaca Xasan Sheekh ayaa na handaday, waxaan u qaadaneynaa dhab, waxaan aaminsanahay in Madaxweunuhu uu farriintaas u soo dhiibay, nin aniga i handadaaya oo Yahuud maatihiin ayaan kaa keenaa ileh side doorasho ula galaa?” ayuu yiri CC Shakuur.

Wuxuu intaas ku sii daray in hadalka Fiqi aan la yareysa karin, maadaama uu maamul hubka iyo ciidanka xoogga dalka, “ifahamsiiya sidaan doorasho ula gelaayo ragga sidaas u dhaaranaya?” ayuu yiri.

Xildhibaan Cabdiraxmaan oo hadalkiisa sii wata ayaa yiri “hadii aan nahay mucaaradka waxaan si dhab ah u qaadanay hadalkii Fiqi, waxaana aaminsanahay in Madaxweynuhu uu wax ka ogyahay oo gole loo dhan yahay uu ka soo baxay go’aanka uu wasiirku noogu hanjabay,” ayuu yiri.

Wuxuu sheegay in ilaa ay madaxweynaha afkiisa ka maqlaan ama uu iska beriyeelo in wasiirkiisa uusan hadalkaas ku metelin ay aaminsanaa doonaan taas, “Waxaa ayaan darro ah in u uku faano ficil aad u foolxun oo madaxweyne isaga ka horeeyey uu geystay,” ayuu hadalkiisa ku sii daray CC Shakuur.

Sidoo kale, wuxuu sheegay in Madaxweynuhu sameystay ‘xisbi la yiraahdo halkeen uga haraa?’ kaas oo madaxdii dalka oo dhan ay ku jiraan iyo qof kasta oo dhulkii danta guud uu siiyey.

“Madaxweynaha xisbigiisa lacagta u uku tamashleynayo Xasan Sheekh miyaa iska leh? Aniga iyo Xasan oo shiid ah halkaan ayaan isla fadhi jirnay, markii aan wax qabsaneyno shan shan kun ayaan isku darsa jirnay, yaas iska leh dhaqaalaha xisbigiisu ku tamashleynayo?” ayuu yiri CC Shakuur.

Cabdiraxmaan ayaa hadalkiisa ku soo gabagabeeyey arrinta dhulka, wuxuuna sheegay in boobkii dhulka danta guud ay hadda u sii dheertahay ‘arrin la yiraahdo ku darso’ “Markii dhulka dowladda lagaa xaraasho hadii uu kugu yaraado, gobolka Banaadir ayaad warqad kasoo qaadanee, waxaad ku darsanee kuwa sharciga ah ee ku dhegan dhulkii lagu siiyey, taas oo aan u bixinay ku darso,” ayuu yiri.

“Askariga Soomaaliyeed 200 oo doolar ayuu qaataa, qoyskiisii oo ah Danyar ku nool dhulkii dowladda la barakiciyey, isadoo la naaxinayo siyaasi, qaraabo, ganacsade iyo sarkaalka dadka barakiciya, inyar oo Mukulaalaha Cayilan ah ayaa laga soo saaray dalka,” ayuu yiri.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa sheegay in boobka dhacay uu sababay in dhulka Muqdisho uu qiimo jabo, “Sababtoo ah qofkii baxay ee madaxweynuhu dhulka soo siiyey shan milyan ayuu ka faa’iiday, maxaa dhacay marka? Tartankii ganacsiga gaarka loo leeyahay ayaa jabay, sidee ula tartameysaa qof dowladii kuu gacmo qabatay?” ayuu yiri CC Shakuur oo galabta shir jaraa’id qabtay.

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this