Sign in to follow this  
Deeq A.

Maxaad ka ogtahay Sharciga Hindise Sharciyeedka Dambiyada Saybarka ee ay meel mariyeen Golaha Wasiirrada?

Recommended Posts

Deeq A.   

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay kulankoodii caadiga ahaa, ayaa ansixiyey Hindise Sharciyeedka Dambiyada Saybarka Soomaaliya, oo ay golaha u soo gudbisay Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknoolojiyadda.

Sharcigan, ayaa xoogga saaraya, sirta, bed-qabka iyo amniga nidaamyada kombiyuutarka, shabakadaha iyo barnaamijyada, ka-hortagga isticmaalka sharci-darrada ah ee nidaamyada kombiyuutarrada, oggaanshaha, baarista, dacwad ku oogidda iyo ciqaabidda dembiyada saybarka, Ilaalinta danta guud, akhlaaqda, iyo qiyamka guud ee bulshada, ilaalinta dhaqaalaha Qaranka iyo sidoo kale kaabayaasha macluumaadka ee muhiimka ah.

Kulanka oo uu guddoominayey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa lagu soo bandhigay warbixinno kala duwan oo la xiriira amniga iyo howlgallada socda ee lagu ciribtirayo Shabaab. Iyada oo goluhu bogaadiyey guulaha ay ciidanka qalabsida ka gaarayaan dagaalka argagixisada looga sifeynayo goobaha ay ku dhuumaaleysanayaan.

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this