Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidamada difaaca Puntland oo Daacish kala wareegay ceelkii Garooba ee togga Baallade

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1755672458656.jpg?resize=1000%2C6

Ciidamada difaaca Puntland ayaa saaka gacanta ku dhigay ceelkii Garooba ee togga Baallade, halkaasi oo ay dhawaanahan ku dhuumanayeen firxad ka tirsan mileeshiyaadka Daacish.

Cutubyo ka tirsan ciidamada difaaca Puntland oo aroornimadiu hore ee saaka qaaday hawlgal qorshaysan ayaa la wareegay ceelka Garooba oo kamid ah goobihii u danbeeyay ee firxadka Daacish kaga dhuumanayeen togga Baallade, islamarkaana leh difaacyo adag oo dabiici ah, sidaan ka xigannay saraakiil ka tirsan ciidamada.

Wararka ayaa sheegaya in aysan ciidamada difaaca Puntland wax iska caabin ah kala kulmin qabashada Garooba, maadaama ay sii firxadeen mileeshiyaadkii Daacish ee ku dhuumanayay ceelka ka hor inta aysan ciidamadu gudaha u gelin, waxaana ciidamadu halkaasi ka heleen saad kooban oo kooxdu ka carartay.

PUNTLAND POST

The post Ciidamada difaaca Puntland oo Daacish kala wareegay ceelkii Garooba ee togga Baallade appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this