Sign in to follow this  
Deeq A.

Calmiskaad: Kooxda ISIS oo ku sugan xaalad ay jiritaankeedii lumisay

Recommended Posts

Deeq A.   
Polish_20250821_095413773.jpg?resize=774

Firxadkii kooxda jiritaankeeda lumisay ee ISIS ayaa ku ururay ceelka Il-abbal oo dhaca togga Baallade, halkaasi oo ay jiho kasta kaga siqayaan ciidamada difaaca Puntland oo hawlgal culus ku qaaday.

Ciidamada dowladda oo go’doomin dhammaystiran saaray argagixisada ayaa ku guulaystay in ay kooxda ku ururiyaan masaafo kooban oo aysan dhinacna uga baxsan karin, maadaama hawlgalku cirka iyo dhulkaba kaga socdo oo aysan madaxa qaadi karin.

Intaasi waxa u dheer firxadka kooxda oo saadkii gabaabsi ka noqday, kaddib hawlgal cir iyo dhul ah oo ku socday mudda 8 bilood ah, siday sheegtay dowladda Puntland oo xustay in ISIS hadda lumisay jiritaankeedii.

PUNTLAND POST

The post Calmiskaad: Kooxda ISIS oo ku sugan xaalad ay jiritaankeedii lumisay appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this