Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddoomiyaha Gobolka Mudug ee Puntland oo Shir la yeeshay guddiyada degmada Jariiban

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1755415767968.jpg?resize=1000%2C6

Guddoomiyaha Gobolka Mudug, Faysal Sheikh Cali Jifo-Jabsade, oo ku sugan degmada Jariiban ayaa Shir la yeeshay guddiyada degmadaasi oo kala ah guddiga Fulinta, guddiga Amniga iyo guddiga Joogtada ah.

Shirkan ayaa lagu gorfeeyay arrimaha maamulka degmada, sugidda amniga iyo horumarinta adeegyada bulshada, waxaana  guddoomiyaha kulanka ku wehliyay Taliyaha Qaybta booliska Gobolka Mudug, Isuduweyaasha Wasaaradaha Arrimaha gudaha, Degaanka iyo Kalluumaysiga ee Gobolka kuwaas oo qayb ka ahaa wadatashiga.

Intii uu socday kulanka, waxaa la isla soo qaaday muhiimadda wada-shaqeynta hay’adaha heer gobol iyo heer degmo, si loo hubiyo hirgelinta qorshayaasha dowladeed ee la xiriira maamul baahinta, amniga iyo adeeg bixinta bulshada.

Guddoomiyaha Gobolka ayaa xusay in dowladdu ka go’an tahay xoojinta maamulka degmada iyo in shacabka Jariiban ay si toos ah uga faa’iideystaan mashaariicda iyo qorshayaasha horumarineed ee socda. Sidoo kale, wuxuu ugu baaqay guddiyada kala duwan in ay si dhow u wada shaqeeyaan, ayna mudnaanta siiyaan xasiloonida iyo nabadgalyada degaanka.

PUNTLAND POST

The post Guddoomiyaha Gobolka Mudug ee Puntland oo Shir la yeeshay guddiyada degmada Jariiban appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this