Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidanka Booliska Qardho oo ku guulaystay eedaysane loo haysto in toorray ku dhaawacay qof shacab ah

Recommended Posts

Deeq A.   
Polish_20250818_093104274.jpg?resize=720

Ciidanka Booliska Gobolka Karkaar oo hawlgal ka sameeyay magaalada Qardho ayaa ku guulaystay qabashada eedaysane loo haysto in uu toorrey ku dhaawacay qof shacab ah dabadeedna goobta ka baxsaday.

Taliyaha Qeybta Booliska Gobolka Karkaar G/sare Xuseen Cali Maxamuud oo warkan xaqiijiyay ayaa sheegay in ciidanka oo hayay xogtan eedaysanahan ay ku guuleysteen in ay ka soo qabtaan gudaha magaalada Qardho, isagoo toorreydii ku qariyay bawdada lugtiisa midig.

“Ciidamada Booliska Gobolka Karkaar ayaa gacanta ku soo dhigay Edeysane dhaawac tooray ah u gaystay qof Shacab ah. Ciidamada oo hayay Xogta Edeysanahaan oo Toorayda ku qariyay bowdada Lugtiisa midig ayaa Ka soo qabtay gudaha Magalada Qardho” ayuu yiri G/sare Xuseen Cali.

Ciidanka Booliska Gobolka Karkaar ayaa dhawaanahan magaalada Qardho ka wada hawlgal amni xaqiijin ah oo lagu beegsanayo kooxaha abaabulan ee Ciyaal-weerada loo yaqaan, kuwaasi oo dhac iyo dhibaatooyin ka sameeya xaafadaha Qardho.

PUNTLAND POST

The post Ciidanka Booliska Qardho oo ku guulaystay eedaysane loo haysto in toorray ku dhaawacay qof shacab ah appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this