Sign in to follow this  
Deeq A.

Wasiir ka tirsan Puntland oo lagu eedeeyay in uu ogolaansho siiyay 18 markab oo jariif ah

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1755496523059.jpg?resize=1000%2C6

Qaar kamid ah Kalluumeydatada xeebaha degmada Xaafuun ee gobolka Bari oo warbaahinta ka soo muuqday ayaa cabasho ka muujiyay wasiirka Kalluumeysiga Puntland, Cabdirisaaq Cabdullaahi Xagaa oo ay ku eedeeyeen in uu ogolaansho siiyay maraakiib jariif ah oo xaalufin ku haya xeebaha degmadaasi.

Waxay sheegeen in wasiir Xagaa uu bixiyo saxiixa ogolaanshaha maraakiibta jariifka ah ee yimaada xeebaha Xaafuun, islamarkaana uu akoon gaar ah ku shubto dhaqaalaha ka soo baxa jariifkaasi, waxaana hadalkoodii kamid ahaa “dowladda Puntland waxaan ka codsanaynaa in laga qabto wasiirka Kalluumeysiga wuxu badda ku soo daayay maraakiib jariif ah.”

“Saacaddaa hadda aan joogo maraakiibtii Shiinayska ahayd baa badda ku soo noqotay 18 markab baa ku jira, wasiirku gacantiisa ayuu ku saxiixaa akoonkiisana waa ku dhacdaa, waxa uu bixiyaa ogolaanshaha maraakiibta jariifka ah ee badda xaalufiyay, annagii xeebaha joognayna waa bakhtinay oo wax shaqo ah ma hayno” ayay hadalkooda raaciyeen Kalluumeysatada xeebaha Xaafuun.

PUNTLAND POST

The post Wasiir ka tirsan Puntland oo lagu eedeeyay in uu ogolaansho siiyay 18 markab oo jariif ah appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this