Sign in to follow this  
Deeq A.

Sida Sheekh Shariif iyo Senator Faroole iskugu maandhaafeen dastuurka ku meelgaarka ah 2012kii

Recommended Posts

Deeq A.   
1000053774.jpg?resize=450%2C330&ssl=1Madaxweyne Faroole (midig) Madaxweyne Shariif (dhexda) iyo Guddoomiye Shariif Xasan (bidix) oo saxiixaya mid ka mid ah heshiisyadii Soomaaliya ku meelgaarka lagaga saaray 2012kii.

Muqdisho (Faallo PP) — Sanadkii 2012kii, markii ay socdeen wadahaddaladii Soomaaliya lagaga saarayay ku meelgaarka, wuxuu is-maandhaaf ba’an dhexmaray Madaxweyne Shariif Sheekh Ahmed iyo Cabdiraxmaan Faroole, oo markaas ahaa Madaxweynaha Puntland. Dad badan ma ogeyn is-maandhaafkaas ka hor inta uusan Senator Faroole maqaal 2015kii ku soo qorin Garowe Online.

“Marxaladaha hadda ee dowlad-dhisidda Soomaaliya waxaa si aan loo baahnayn u saameeya loollan ba’an oo siyaasadeed, musuqmaasuq baahsan, ku xadgudubka dastuurka, shaqo ka eryidda laba Ra’iisal Wasaare. Soomaaliya miyay haysaa waddada doorashooyinka 2016?” ayuu qoray Faroole.

Senator Faroole wuxuu dadka la wadaagay dhibka laga soo maray ka bixistii ku meelgaarka intii ay socdeen wadahaddaldii dhexmaray Puntland, Dowladdii Ku Meelgaarka, Galmudug iyo Ahlu Sunna Wal Jamaaca. “Madaxweyne Shariif wuxuu si adag uga soo horjeestay ka hirgalinta Soomaaliya habka federaalka. Bishii Juunyo 2012kii wuxuu, tusaale ahaan, diiday Saxiixayaashii Habkii Ka Bixista Ku Meelgaarka iyo diblomaasiyiintii caalamiga oo goobjoog ka ahaa xafladdii taariikhiga ahayd Nayroobi lagu saxiixay Dastuurka Ku Meelgaarka Ah Ee Federaalka, isagoo sheegay inuu jiro ‘dastuur kale’. Si kasta ahaato, wuu saxiixay Heshiiska kaddib markii lagu dhaleeceyay qar-iska-tuurnimo siyaasadeed” ayuu Faroole ku dooday.  

Is hortaaggii asaasidda Jubaland

Senator Faroole wuxuu kale oo ku dooday in Madaxweyne Shariif uu 4tii Agoosto 2012kii ka qeybgalay shir ka dhacay Nayroobi oo ay ka soo qeybgaleen saxiixayaasha Heshiiska ku meelgaarka dalka looga saaray oo ay goobjoog ka ahayd Wasiirkii Arrimmaha Dibedda ee Maraykanka Hilary Clinton. “Si cad ayuu Madaxweyne Shariif uga soo horjeestay asaasidda maamulka Jubaland” ayuu Faroole qoray. Goobjooge shirkaas ka qeybgalay ayaa Puntland Post u sheegay in Hilary Clinton ay Saxiixayaasha la wadaagtay qorshe “Kismaayo lagaga xoreynayo Al-shabaab si loo dhiso maamulka Jubaland. Markaas ayuu Madaxweyne Shariif diidmo kala hortagay hadalka Clinton, oo jawaabtii Madaxweynaha Soomaaliya ku qoratay xuxuus-qor ay sidatay.” Eedeyn badan ayay dad badan oo Xamar awood ku leh u soo jeediyeen Madaxweyne Shariif, oo ay ku eedeeyeen in “la marsaday  Heshiisyadii Garoowe 1 & Garoowe 2.”

Labadaas dhacdo uu Senator Faroole 9 sano ka hor dadka qoraal ahaan kula wadaagay waxay muujinayaan in Madaxweyne Shariif yahay siyaasi aan ballan lahayn. Sanadkii 2016kii mar la su’aalay wixii uu ku ka ogaa heshiiskii is afgaradka badda ay dowladdii ku meelgaarku 2009kii la saxiixatay Kenya, wuxuu Madaxweyne Shariif ku jawaabay: “Ha la su’aalo qofka saxiixay.” Waxaa xusid mudan in Madaxweyne Shariif uu heshiiskaas difaacay mar uu 2009kii waraysi siiyay Laanta af Soomaaliga ee Codka Maraykanka. Ma Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa ahaa Madaxweynaha Soomaaliya oo in su’aashaas uu keligiis ka jawaabo u xilsaarnaa?  Shariif Sheekh Axmed wuxuu hadda u doodayaa dastuurka ku meelgaarka oo qodobbo ka mid ah ay labada aqal wax ka beddeleen sanadkii hore. Waa suurtaggal inay Puntland iyo Jubaland fahansan yihiin mabaadii’da dhabta ee Shariif  Axmed, oo hadda ka soo horjeeda in dhulka danta guud ee Muqdisho lagu soo celiyo gacanta Dowladda Federaalka Soomaaliya.  Aala Sheekh iyo Damuljadiid waa labo kooxood oo inay awoodda siyaasadeed ku kaltamaan doonaya. Sidaasi kuma jirto danta qaranka Soomaaliya.

© Puntland Post, 2025

The post Sida Sheekh Shariif iyo Senator Faroole iskugu maandhaafeen dastuurka ku meelgaarka ah 2012kii appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this