Sign in to follow this  
Deeq A.

Dawlada Somaliland oo faah faahin degdeg ah ka dalbatay Turkiga

Recommended Posts

Deeq A.   

IMG-20250818-WA00031-300x217.jpgSomaliland oo si adag u cambaaraysay Dawladda Turkiga kadib kulan Muqdisho ku dhex maray Suldaan Wabar iyo Safiirka Turkiga.

War saxaafaddeed kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibedda Somaliland ayaa sidan u dhignaa:

” Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Daahir Aadan, ayaa u yeedhay Qunsulka Guud ee Jamhuuriyadda Turkiga ee Hargeysa, kadib markii la xaqiijiyey warar ku saabsan kulan ka dhacay Muqdisho oo dhexmaray Safiirka Turkiga iyo shakhsi lagu ogyahay inuu ku lug leeyahay falal lid ku ah amniga iyo qaranimada Somaliland.

Dawladda Jamhuuriyadda Somaliland waxa ay u aragtaa tallaabadan faragelin cad oo aan marnaba la aqbali karin. Sidaas awgeed, Dawladda Somaliland waxa ay si rasmi ah uga dalbatay Safiirka Turkiga inuu bixiyo sharaxaad degdeg ah oo lagu qanci karo, kuna saabsan sababta ku keliftay ficilladan la xidhiidha faragelinta iyo carqaladaynta amniga Somaliland.

Dawladda Jamhuuriyadda Somaliland waxa ay mar kale caddeynaysaa inaanay marnaba aqbali doonin ficillo wax u dhimaya madax-bannaanideeda, amnigeeda, ama danaha qaranka ee ay leedahay.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this