Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Deni oo tababar u soo xiray cutubyo kamid noqon doona Ciidanka Booliska Puntland

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1755349342485.jpg?resize=1000%2C6

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, oo safar shaqo ku jooga Carmo ayaa tababar u xiray Cutubyo cusub oo ka mid noqon doona Ciidanka Booliska Puntland, waana dufcadii 8-aad ee ka baxda Kulliyadda tababarka Ciidanka Booliska ee degmada Carmo. Ciidankan ayaa ku dhow 500 oo Askari kuwaasi oo lagu soo xulay aqoontooda oo gaarsiisan heer Jaamacadeed, waxay hadda dhameysteen tababar 8-bilood ah.

Madaxweynaha Dowladda Puntland ayaa u hambalyeeyay Ciidanka tababarka dhameystay oo maanta lagu dhaariyay fagaarihii Xafladda xiritaanka tababarka, wuxuuna u rajeeyay in ay noqdaan kuwo wixii aqoon ah ee la baray ku anfaca dalkooda iyo dadkooda. Isagoo xusay sida Dowladda Puntland uga go’antahay dhismaha Ciidamada, Amniga iyo Ciribtirka Argagixisada.

Madaxweynaha ayaa u mahadceliyay Dowladda Imaaraadka oo Dowladda Puntland ka taageertay tababarka, wuxuu  boggaadiyay dadaalka taliska Ciidanka Booliska, Saraakiisha , Macalimiinta iyo dhammaan dhinacyadii ka qeyb qaatay intuu socday tababarka .

Munaasabadda waxaa ka qeybgalay Guddoomiye Ku-xigeenka koowaad ee Golaha Wakiillada Mudane Maxamed Baari Shire, Goleyaasha Dowladda, Isimada Dhaqanka, Saraakiishada Ciidanka, Maamulka Gobolka Bari , kan degmada Carmo , Fanaaniinta PUNTBAND iyo  Bulshada degmada Carmo.

Halkaan hoose ka eeg Sawirada

FB_IMG_1755349370573.jpg?resize=1000%2C6 FB_IMG_1755349361919.jpg?resize=1000%2C6 FB_IMG_1755349354723.jpg?resize=1000%2C7 FB_IMG_1755349417091.jpg?resize=1000%2C9 FB_IMG_1755349424209.jpg?resize=1000%2C6 FB_IMG_1755349380974.jpg?resize=1000%2C6 FB_IMG_1755349481328.jpg?resize=1000%2C6 FB_IMG_1755349386613.jpg?resize=1000%2C6 FB_IMG_1755349376690.jpg?resize=1000%2C8 FB_IMG_1755349410392.jpg?resize=1000%2C6

PUNTLAND POST

The post Madaxweyne Deni oo tababar u soo xiray cutubyo kamid noqon doona Ciidanka Booliska Puntland appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this