Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Cirro oo maanta daah furay

Recommended Posts

Deeq A.   

FB_IMG_1755349620761-300x296.jpg

FB_IMG_1755349577195-300x200.jpg

FB_IMG_1755349581135-300x200.jpg

FB_IMG_1755349589472-300x200.jpg

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ayaa maanta daah-furay kulan ah tababar iyo aqoon is weydaarsi loo qabtay Madaxda cusub ee Hay’adaha madaxa bannaan ee Dawladda.

Hargeysa:16/08/2025()- Kulankan oo ahmiyad weyn u leh dib-u-habeynta Hay’adaha Qaranka, wada-shaqaynta hufan ee dhexdooda iyo Maamulka Wanaaga, ayaa Madaxweynuhu waxa uu hoosta ka xarriiqay xoojinta dhaqanka masuuliyadda, isaga oo madaxda cusub ee hay’adaha madaxa bannaan ku booriyey in la ilaaliyo isla xisaabtanka, daah-furnaanta, hufnaanta iyo kalsoonida shacabku uu ku qabo maamulka Dawliga ah.

Dhinaca kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu u sheegay madaxda cusub ee hay’adaha Dawladda ee madaxa bannaan in Xukuumadda Wadajir iyo Waxqabad aanay haba yaraatee u dul qaadan doonin Musuqmaasuqa iyo wax-is-daba-marinta.

Tabobarkan oo ay si wadajir ah u soo diyaariyeen Wasaaradda Madaxtooyada, Hay’adda Shaqaalaha Dawladda, Komishanka Maamul-wanaagga iyo Jaamacadda Hargeysa oo lagu qabtay Hoolka weyn ee Ciidanka Booliska JSL, ayaa ahaa mid seeska loogu dhigayo qorshaha shaqo iyo Isteraatiijiyadda hufan ee la doonayo in ay raacaan masuuliyiinta cusub ee dhawaan ka midka noqday Xukuumadda WADA-JIR iyo WAXQABAD.

Dhinaca kale, Wasiirrada Wasaaradaha Madaxtooyada, Mudane Khadar Xuseen Cabdi iyo Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyi-gelinta Mudane Axmed Yaasiin Sheekh Cali Ayaanle oo hadalka u kala dambeeyey, ayaa ku dheeraaday muhiimadda uu tababarkani Qaranka leeyahay iyo midhaha la rabo in ay kasoo go’aan, waxana ay kula dardaarmeen masuuliyiinta fursaddan heshay in ay dedaal geliyaan sidii ay shaqadooda uga muuqan lahayd aqoonta iyo maxsuulka ay tabobarkan ka korodhsadaan.

Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro waxa uu sheegay in masuuliyiinta la siin doono aqoon ka anfacda wada-shaqaynta hufan ee Xukuumadda dhexdeeda iyo waxyaabaha lagama maarmaanka u ah Hay’ad kasta iyo arrimaha u qorshaysan ee ay hiigsanayso.

Ugu dambayntii, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi waxa uu booqday Xarunta Taliska Guud ee Ciidanka Booliska JSL, waxana uu warbixin qoto dheer oo la xidhiidha waxyaabaha u qabsoomay Ciidanka Booliska muddadii ay Xukuumaddu jirtay uu ka dhegaystay Taliyaha Ciidanka Booliska Sarreeye Guuto Cabdiraxmaan Cabdilaahi Xasan (Cabdi-dheere), kaasi oo Madaxweynaha siiyey warbixin faah-faahsan oo la xidhiidha shaqada Booliska, waxana Madaxweynuhu uu ka maqadnaqay dedaalka ay Boolisku ugu jiraan ilaalinta amniga iyo xasilloonida bulshada.

ALLAA MAHAD LEH

Xuseen Aadan Cige (Deyr),

Afhayeenka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this