Sign in to follow this  
Deeq A.

Faah-faahinta dagaal culus oo ka qarxay Galgaduud + Khasaaraha

Recommended Posts

Deeq A.   
Danab-ciidan-ciidamo-dagaal.jpeg

Guriceel (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay dagaal saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay deegaano ka tirsan gobolka Galgaduud, kaas oo u dhexeeyay laba maleeshiyo beeleed oo isku haysto Geel la kala dhacay.

Dagaalka ayaa si gaar ah uga qarxay inta u dhexeysa deegaannada Oodaale iyo Balanballe, waxaana ka dhashay khasaare kala duwan oo leh dhimasho iyo dhaawac,.

Wararka ayaa sheegaya in dagaalka uu yimid, kadib markii markii mid kamid ah maleeshiyaadka ay dhac u gaysteen Geel, kadibna garabka kale uu weerar qaaday, taas oo keentay in labada dhinac ay ku dagaalamaan halkaasi.

Inta la xaqiijiyay waxaa dagaalkan ku dhintay ugu yaraan 1 qof, iyada oo ay ku dhaawacmeen 3 kale oo isugu jiro dhinacyo dagaalamay iyo dad shacab ah. Dadka dhaawacmay ayaa la geeyay magaalada Guriceel oo haatan lagu dabiibayo xaaladooda.

Xaaladda aya ayaa maanta kacsan, waxaana weli dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo laga dareemayaa goobihii lagu dagaalamay oo ay isku horfadhiyaan labada dhinac.

Sidoo kale ma jiro illaa iyo hadda wax war ah oo kasoo baxay Galmudug oo ku aadan dagaalkaasi mar kale dib uga qarxay qaybo kamid ah gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya.

Gobollada dhexe oo ay weli ka socdaan howlgallo xorey ah ayaa waxaa haddana ka qarxay dagaal beeleedyo wajiyo kala duwan leh oo saameyn ku yeeshay Galgaduud iyo Mudug.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this