Sign in to follow this  
Deeq A.

Xog: Mucaaradka oo wada qorshe xasaasi ah oo lagu dhisayo…

Recommended Posts

Deeq A.   
Mucaaradka-1.webp

Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasiyiinta mucaaradka ee haatan dhaq-dhaqaaqa ka wada magaalada Muqdisho ayaa weli sii wada kulamadooda, waxaana xalay kulan gaar ah yeeshay Madaxweynihii hore ee dalka Shariif Sheekh Axmed, Ra’iisul wasaareyaashii hore Xasan Cali Khayre, Maxamed Xuseen Rooble iyo xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Kulankan oo ka dhacay hoyga Shariif uu ka dagan yahay Muqdisho ayaa diiradda lagu saarayo qorshe culus oo ay damacsan yihiin xubnaha mucaaradka, gaar ahaan qaab-dhismeedka mucaaradka, si ula fal-galaan isbeddalka yimid ee ka dhashay burburka wada-hadalkii ay kula jiraan Madaxweyne Xasan oo ugu dambeyn guul darro kusoo dhammaaday.

Ilo wareedyo xilkas ah ayaa innoo sheegay in ay suuragal tahya in xubnaha mucaaradka, gaar ahaan Shariif, Khayre, Rooble iyo Warsame ay dhisaan midow musharraxiin oo horleh, iyada oo ujeedka uu yahay in lagu mideeyo awoodda musharixiinta kasoo horjeeda Xasan.

Sidoo kale, waxaaa muhiimadda ugu wayn ee mucaaradka uu yahay inay ka qeyb qaataan hannaanka siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan marxaladda kala guurka iyo diyaar-garowga doorashooyinka soo socda oo haatan uu ka taagan yahay muran xoogleh, ayna burbureen wada-hadalladii muddada soo socday ee u dhexeeyay Madasha Samatabixinta iyo Villada.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in kulankan oo kusoo aaday, xilli xasaasi ah uu muujinayo isbeddel dhanka istaraatiijiyadda ah oo ay rabaan inay ku dhaqaaqaan mucaaradka, si ay u abuuraan madal gaar ah oo ay ku mideysan musharraxiinta sare.

Waxaa sidoo kale qorshuhu yahay in la ballaariyo isbaheysigan, si ay ugu soo biiraan xubno kale oo saameyn leh oo uu ugu horreeyo Ra’iisul wasaare Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) oo isaguna qayb ka ahaa dhaqdhaqaaqa ka dhanka ah Villa Somalia ee ka socda Muqdisho.

Xubnaha kale ee mucaaradka ayaa la sheegay in iyagu aan lagu wargelin kuankan, isla markaana isbaheysa cusub aanu saameyn doonin Madasha Samatabixinta oo ay ku dhan yihiin inta badan mucaaradka, uuna hogaamiyo Madaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmed.

Arrimahan waxay muujinayaan in dalka uu sii galayo marxalad adag oo siyaasadeed, mucaaradkana uu isa sii xoojinayo, si uu loolan adag ula galo madaxda sare ee dowladda.

Si kastaba, mucaaradka ayaa todobaadkii hore waxaa soo kala dhex-galay kalq shaki wayn, iyaga oo markii hore ku heshiin waayey warsaxaafadeedkii ay kasoo saareen wada-hadalladii burburay ee ay la yeesheen Madaxweyne Xasan Sheekh, taas oo keentay in haatan ay la yimaadaan qorshe cusub oo ay ku dhisayaan midow musharixiin oo horleh.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this