Sign in to follow this  
Deeq A.

Halgankii Macallin Mahdi oo 16 sano kadib miro-dhalay

Recommended Posts

Deeq A.   
Mahdi.jpg

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha qaybta guud ee Booliska Gobolka Banaadir, Mahdi Cumar Muumin oo loo yaqaano (Macallin Mahdi) oo warsaxaafadeed soos aaray ayaa ka sheekeeyay halgan dheer oo uu soo bilaabay 16 sanno kahor, kaas oo ugu dambeyn miro-dhalay, kadib markii uu xalay isku diiwaangeliyay doorashooyinka qof iyo codka ah ee la filayo inay ka dhacaan dalka.

Macallin Mahdi oo qaatay shahaadada rasmiga ah ee is diiwaangelinta ayaa sheegay inay tani uga dhigan tahay guul wayn oo la gaaray iyo nabad ka hirgashay caasimada.

Sidoo kale wuxuun hoosta ka xariiqay in qaadashada shahaadada is diiwaangelinta ay muujineyso inuu miro-dhalay halgankii uu soo galay, isaga oo sheegay inuu ka qayb qaatay dagaaladii caasimada looga xoreeyay Al-Shabaab, uuna ku waayey saaxibo qiimo badan.

“In aan shahaadada is-diiwaangelinta halkan ka qaatay, waxay ii tahay calaamad weyn oo muujinaysa guusha nabadda iyo isbeddelka wanaagsan ee dalka uu ku socdo. Shahaadada is-diiwaangelinta ee la i siiyay uma arko oo kaliya shahaado diiwaangelin, ee waa astaanta ii muujinaysa halgankii aan galay inuu midr-dhalay. Waxayna caddeyn u tahay in caasimaddeennu ay maanta joogto heer ay muwaadiniintu codkooda si nabad ah ugu dhiiban karaan. Allaha u naxatiisto saaxiibadii ku shahiiday halgalkii dheeraa ee ay maanata ku naaloonayaa shacabka Caasimadd” ayuu qoraalkiisa yiri Macallin Mahdi.

Macalin Mahdi ayaa sidoo kale qiray inuu isaga qudhiiisa uu dhaawac culus kasoo gaaray gaaray dagaalka, kadib markii galab kamid ah galbaha ay soo weerareen xubnaha Al-Shabaab, xilligaas oo ay ku beegneyd kala miirankii Maxkamadaha iyo kooxda Al-Shabaab.

“Xusuus iyo Halgan Miro-dhalay, markii aan salaadda Casir tukanay galabkii Arbacada oo ku beegnaa 27kii May 2009  ayey Khawaarijtu na soo weerareen, rag aan saaxiibo ahayn oo halganka igula jiray ayaan gobtaas ku waayay, waxaan ka xasuustaa Nuur Adan Dalabaco iyo  Saciid Roble Geelhore,  aniga iyo tobaneeyo kalana dhaawacyo culus ayaa naga soo gaaray. Waxay ahayd billowgii kala miiranka halyeeyadii maxkamadaha Islaamiga iyo Khawaarijta Shabaab” ayuu yiri Taliyaha Qaybta Guud ee Booliska Gobolka Banaadir.

Ugu dambeyn wuxuu hoosta ka xariiqay in 16 sano kadib oo uu dagaal adag kula jiray Al-Shabaab ay farxad u tahay in laga adkaaday Khawaarijta, uuna isku diiwangeliyo si nabad ah doorashooyinka dalka, si uu si nabad ah ugu dhiibto codkiisa, una doorto cidda uu rabo.

“16 sano oo aan Khawaarijta jihaad kula jiray, caawa -Alle mahaddii- waxaan iska diiwaanliyay si aan codkeyga u dhiibto isla goobtii oo aysan baaruudda rasaastu ka soo ureynin, haba yaraatee wax cabsi ahna aysan shacabku qabin, barbaar xaragoonayana ay hareeraha waddooyinka ku caweynayaan” ayuu sii raaciyay taliyuhu.

Soomaaliya ayaa haatan ku tallaabsatay hormarro waawayn, waxaana kamid ah nabadda lagu soo dabaalay caasimada oo argagixisada ay ka gaysan jirtay dilal iyo qaraxyo.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this