Sign in to follow this  
Deeq A.

Somaliland oo la sheegay inay halis ugu jirto duullaan ay Itoobiya ku qabsato

Recommended Posts

Deeq A.   
somaliland.jpg

Muqdisho (Caasimada Online) – Prof. Cabdiwahaab Sheekh Cabdisamad oo ah aqoonyahan iyo falanqeeye ka faalooda arrimaha Soomaaliya iyo Geeska Afrika ayaa ka fal-celiyay baaqii Senatarka Mareykanka ee Ted Cruz.

Senatarkan ayaa Madaxweynaha Donald Trump ugu baaqay inuu si rasmi ah u aqoonsado Somaliland inay tahay dal madax-bannaan. Cabdiwahaab ayaa ku tilmaamay soo jeedintan mid halis u horseedi karta Somaliland laftigeed iyo guud ahaan Geeska Afrika.

Prof-ka ayaa qoraal uu soo saaray ku sheegay in Itoobiya ay ku soo duuli doonto Somaliland, iyadoo ku marmarsiyoon doonta joogitaanka Xamas, maadaama ololaha aqoonsiga qeyb ka tahay in gudaha Somaliland dib u dejin loogu sameeyo reer Gaza.

“Itoobiya waxay sheegan doontaa joogitaanka Xamas ‘deriskeeda’ marmarsiiyo ay ugu soo duusho, u qabsato qaybo ka mid ah Somaliland, uguna samaysato marin badeed rasmi ah,” ayuu yiri Cabdiwahaab, oo sidoo kalena sheegay inay dhici karto in Masar-na ay markaas ciidamo soo dirto, taas oo abuuri karto dagaallo wakiillo ah oo gudaha Soomaaliya ka qarxa.

Hoos ka aqriso qoraalka oo dhameystiran:

Senator Cruz, ii ogolow inaan ku siiyo cashar kooban balse aad muhiim u ah oo ku saabsan juqraafi-siyaasadeedka Geeska Afrika, gaar ahaan Jasiiradda Soomaaliyeed.

Waxaan faham sanahay mowqifkaaga ku aaddan aqoonsiga Somaliland, sidoo kale waan ogahay cadaadiska aad kala kulmayso AIPAC [American Israel Public Affairs Committee] ee ku saabsan fikradda ah in dadka reer Qasa loo raro halkaas.

Laakiin ma ka fiirsatay waxa xiga ee ay arrintaanu dhalin karto?

1. Duulimaadkii ugu horreeyay ee qaxootiga Qasa oo ka soo dega Hargeysa wuxuu ka dhalin lahaa baaqyo xooggan oo ku saabsan midnimo Soomaaliyeed oo aan shuruud lahayn, gaar ahaan gudaha Hargeysa, Berbera, iyo Burco.

2. Beelaha kale ee ku sugan Somaliland waxay ku biiri doonaan codadka ku baaqaya dib u midoobidda Soomaaliya, taas oo meesha ka saari karta maamulka hadda jira.

3. Itoobiya waxay sheegan doontaa joogitaanka Xamas “deriskeeda” marmarsiiyo ay ugu soo duusho, u qabsato qaybo ka mid ah Somaliland, uguna samaysato marin badeed rasmi ah.

4. Djibouti iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay si cad uga soo horjeesan doonaan ku xadgudubka madax-bannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliyeed.

5. Midowga Afrika wuxuu u arki doonaa arrintan jebin toos ah oo lagu sameeyay Axdiga AU ee 1963, taas oo khatar ku ah furitaanka “sanduuqa Pandora” ee dhaqdhaqaaqyada kala go’a ee Afrika oo dhan.

6. Shiinaha iyo Ruushka waxay u badan tahay inay diidaan aqoonsiga Somaliland.

7. Gudaha Somaliland wuxuu hore u ahaa mid kala qaybsan — “Waqooyi-bari State” waxaa aqoonsan Jamhuuriyadda Soomaaliya inay tahay dowlad-goboleed ka tirsan Federaalka, halka Awdal State ay weli ku jirto marxaladda soo ifbixidda.

8. Haddii Itoobiya isku daydo inay gacanta ku dhigto dhul “laga bilaabo webi ilaa bad,” Masar waxay u diri doontaa ciidamo, taas oo abuuri karto dagaallo wakiillo ah oo gudaha Soomaaliya ka qarxa.

9. Mareykanka waxaa lagu arki doonaa xoog gumeysi ah oo gobolka ka hawlgala, taas oo kicin doonta nacayb ballaaran oo ka dhanka ah Washington gudaha Geeska Afrika.

Senator, diyaar ma u tahay inaad wajahdo silsiladdan falcelin ah in ay dhici karto?

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this