Sign in to follow this  
Deeq A.

Somaliland oo war cusub kasoo saartay aqoonsiga Mareykanka

Recommended Posts

Deeq A.   
Cabdiraxmaan-Aadan-Somaliland.jpg

Hargeysa (Caasimada Online) – Xukuumadda Somaliland ayaa Senatar Ted Cruz uga mahad-celisay baaqii uu u diray Madaxweyne Trump, iyadoo maamulka Washington ka dalbatay inuu si rasmi ah u aqoonsado Somaliland.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland, Cabdiraxmaan Daahir Aadan ayaa Cruz ku amaanaya taageerada hagar la’aanta ah ee uu la garab joogo dadaallada Somaliland ay ku raadineyso aqoonsi caalami ah.

“Waxaan ku boorinayaa maamulkaaga inuu si rasmi ah u aqoonsado Jamhuuriyadda Somaliland oo ah dal madax-bannaan, kuna dhisan xuduudaheedii 1960-kii,” ayuu yiri Wasiir Cabdiraxmaan oo jawaab toos ah ka bixiyay baaqa Senatarka Mareykanka ah ee Ted Cruz.

Waxa uu intaas kusii daray “Aniga oo ku hadlaya afka Jamhuuriyadda Somaliland, waxaan si kal iyo laab ah ugu mahadcelinayaa Senator Ted Cruz taageeradiisa hagar la’aanta ah ee uu u muujiyay aqoonsiga Somaliland.”

Wasiirka ayaa rejo badan ka muujiyay in Mareykanka uu noqdo dalkii ugu horreeyay ee ku dhawaaqa aqoonsiga Somaliland, isagoo tilmaamay muhiimada Somaliland ee gobolka iyo guud ahaan caalamka.

“Fahankiisa xeesha dheer ee qaranimada Somaliland iyo raadinta aqoonsiga caalamiga ah, oo ay weheliso muhiimaddeenna istiraatiijiyadeed ee amniga iyo dhaqaalaha, waxay ka tarjumayaan waxa aanu ku tari karno caalamka,” ayuu yiri.

Baaqa Cruz ayaa imanaya xilli Madaxweynaha Mareykanka uu dhawaan sheegay in arrinta Somaliland uu hadda gacanta ku hayo, isla markaana uu maamulkiisu eegayo. Si kastaba, ololaha aqoonsi ee Somaliland ayaa haatan taageero ballaaran ka helaya gudaha Mareykanka

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this