Sign in to follow this  
Deeq A.

Diiwaan-gelintii shacabka Muqdisho oo joogsatay iyo tirada is-diiwaan gelisay

Recommended Posts

Deeq A.   
diiwaangelin.jpg

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa caawa lasoo gabagabeeyay diiwaangelinta dadweynaha codeynaya doorashada golaha deegaanka ee ka socotay magaalada Muqdisho. Sida uu hore ugu dhawaaqay Guddiga Doorashooyinka, 15-ka bishan oo caawa ku eg ayaa la joojinayaa diiwaangelinta.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, Xasan Muungaab, ayaa sheegay in ku dhowaad hal milyan oo qof oo reer Muqdisho ah la diiwaangeliyay, kuwaas oo u diyaarsan inay codkooda dhiibtaan.

Wasiirka Gaashaandhigga, Axmed Macallin Fiqi, oo ka hadlay diiwaangelinta dadweynaha ee caawa lasoo gabagabeeyay, ayaa su’aal geliyay sababta ay mucaaradku uga aamusan yihiin guusha laga gaaray doorashada, halka ay dagaallada u buunbuuniyaan.

“Xubnihii Madashii baaqyada colaad hurinta ka soo saarayay shalay, isku dhacii yaraa ee la xaliyay, aaway? Maxay dadka reer Muqdisho ee malyanka gaaraya ee markii ugu horreysay 56 sano ka dib isku diiwaangeliyay si ay uga qeyb galaan doorasho qof iyo cod ah ugu soo hambalyeeyn waayeen! Mise horumarka dalka iyo dadka laguma qoro waraaqahooda?” ayuu yiri Fiqi.

Wasiirka Gaashaandhigga oo qoraalkiisa ugu mahadceliyay Duqa Muqdisho, ayaa intaas ku daray: “Guddoomiyaha gobalku waa ku mahadsan yahay horumarkan weyn iyo hawshan taariikhiga ah ee uu xaqiijiyay muddadii koobnayd ee xilka hayay.”

Dadka caawa is-diiwaangelinta lagu soo gabagabeeyay waxaa ka mid ah Macallin Mahdi, Taliyaha Qeybta Guud ee Booliska Gobolka Banaadir. Isagoo qoraal ku cabbiray waxa ay uga dhigan tahay is-diiwaangelintan, ayuu soo saaray qoraal uu ciwaan uga dhigay “Xusuus iyo Halgan Miro-dhalay.”

Hoos ka akhriso qoraalka Macallin Mahdi:

Markii aan Salaadda Casir tukanay galabkii Arbaco, oo ku beegnaa 27-kii May 2009, ayaa Khawaarijtu na soo weerareen. Rag aan saaxiibo ahayn oo halganka igula jiray ayaan goobtaas ku waayay, aniga iyo tobaneeyo kalena dhaawacyo culus ayaa naga soo gaaray. Waxay ahayd billowgii kala miiranka halyeeyadii Maxkamadihii Islaamiga ah iyo Khawaarijta.

16 sano oo aan Khawaarijta jihaad kula jiray, caawa – Alle mahaddii – waxaan iska diiwaangeliyay si aan codkayga u dhiibto isla goobtii oo aysan baaruudda rasaastu ka soo ureynin, haba yaraatee wax cabsi ahna aysan shacabku qabin, barbaar xaragoonayana ay hareeraha waddooyinka ku caweynayaan.

In aan caawa shahaadada is-diiwaangelinta halkan ka qaatay, waxay ii tahay calaamad weyn oo muujinaysa guusha nabadda iyo isbeddelka wanaagsan ee dalka uu ku socdo.

Shahaadada is-diiwaangelinta ee la i siiyay uma arko oo keliya shahaado diiwaangelin, ee waa astaanta ii muujinaysa halgankii aan galay inuu miro-dhalay. Waxayna caddeyn u tahay in caasimaddeennu ay maanta joogto heer ay muwaadiniintu codkooda si nabad ah ugu dhiiban karaan. Allaha u naxariisto saaxiibadii ku shahiiday halgalkii dheeraa ee ay maanta ku naaloonayaan shacabka caasimadda.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this