Sign in to follow this  
Deeq A.

Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in aqoonsi Maraykanku siiyo Somaliland ay ka faa’idaysan karaan kooxaha Argagixisads ah

Recommended Posts

Deeq A.   
2025815638908377656649938.jpg?resize=660

Safaaradda dowladda Soomaaliya ee Washington D.C. ayaa si adag uga hortimid ololaha ku saabsan aqoonsi uu Maraykanku siiyo Somaliland, oo ay ku tilmaantay mid lagu wiiqayo midnimada dhuleed iyo madax-bannaanida Soomaaliya.

“Wax kasta oo lagu xalaaleynayo kala goynta dalka waa mid ka dhan ah nabadda, amniga, iyo mustaqbalka shacabka Soomaaliyeed. Soomaaliya kama tanaasuli doonto midnimadeeda dhuleed, waxaana ka hortagi doonnaa dadaal kasta oo lagu wiiqayo midnimada iyo madax-bannaanida dalkeenna” ayaa lagu yiri qoraal rasmi ah oo ka soo baxay safaaradda Soomaaliya ee dalka Maraykanka.

Safaaradda Washington D.C. waxay sheegtay in aqoonsi Maraykanku siiyo Somaliland uu abuuri doono fursad ay helaan kooxaha argagixisada marka la wiiqo midnimada iyo wadajirka dhuleed ee dalka, ayna muhiim tahay in beesha caalamka ay taageerto qaranimada Soomaaliya halkii laga abuuri lahaa kala qaybin siyaasadeed, taasi oo ay ka faa’idaysan karaan kooxaha Al-shabaab iyo Daacish.

Warka Soomaaliya ayaa yimid saacado kaddib markii Senetor Ted Cruz oo tirsan xisbiga Jamhuuriga ah ee Maraykanka, ahna guddoomiyaha guddi hoosaadka Arrimaha dibadda ee Senetka u qaabilsan Afrika uu warqad uu u diray madaxweyne Donald Trump, isagoo ka codsaday in uu si rasmi ah u aqoonsado Somaliland in ay noqoto dal madax-bannaan.

PUNTLAND POST

The post Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in aqoonsi Maraykanku siiyo Somaliland ay ka faa’idaysan karaan kooxaha Argagixisads ah appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this