Sign in to follow this  
Deeq A.

Somaliland oo sheegtay in dowladda Xasan ay Al-Shabaab u adeegsaneyso…

Recommended Posts

Deeq A.   
Xasan-Sheekh-Cirro-scaled.jpg

Hargeysa (Caasimada Online) – Somaliland ayaa si adag ugu jawaabtay Dowladda Federaalka Soomaaliya, iyadoo ku eedeysay inay kooxda Al-Shabaab u adeegsanayso cadaadis diblomaasiyadeed.

Xukuumadda Hargeysa ayaa ku dooday in Muqdisho ay tan uga dan leedahay si ay Mareykanka uga hor istaagto in uu gaaro danaha uu ka leeyahay Geeska Afrika.

“Warqaddan waxay cadaynaysaa in Soomaaliya ah Al-Shabaab u adeegsanayso gorgortan iyo cadaadis diblomaasiyadeed oo ay ku saarayso Mareykanka haddii uu ka hadlo danihiisa G/Afrika, ayna kula dagaallamayso aqoonsiga Somaliland,” ayuu yidhi Wasiirka Caddaaladda Somaliland, Yoonis Axmed Yoonis.

Yoonis oo ka jawaabayay, warqad kasoo baxday Safaaradda Soomaaliya ee Washington ayaa sheegay in Muqdisho mareyso meeshii u dambeysay, isla markaana ay doonayso in Shabaab u adeegsadaan dagaalka ka dhanka ah Somaliland

“Tani waxay cadaynaysaa in ay leeyihiin: haddii uu Maraykan danihiisa ka hadlo, annaga oo Al Shabaab ah ayaa la dagaallamayna,” ayuu yiri Wasiir Yoonis.

Waxa uu intaas kusii daray “Maamulka Muqdisho waxa muuqata in aanay rajo ka soo muuqan nidaam ay dhistaan, balse ay doonayaan in ay Al-Shabaab u adeegsadaan dagaalka ka dhanka ah Somaliland, Mareykanka iyo Itoobiya marka ay kala hadlayaan dantooda iyo istaraatiijiyadooda Jamhuuriyadda Somaliland.”

Si kastaba, Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay haddii aqoonsi ay dowladda Washington siiso Somaliland uu dhaawac weyn u geysan doono iskaashiga militari iyo dagaalka lagula jiro argagixisada ee labada dal ka dhexeeya.

Warqadda ka soo baxday dodowladda Soomaaliya ayaa yimid kadib markii Senator Ted Cruz, oo guddoomiyaha guddi hoosaadka Senate-ka u qaabilsan arrimaha Afrika, uu qoraal rasmi ah ku codsaday in Madaxweyne Donald Trump uu Somaliland siiyo aqoonsi buuxa.

Ololaha aqoonsi ee Somaliland ayaa haatan taageero ballaaran ka helaya gudaha Mareykanka, iyadoo Madaxweyne Trump uu ku tilmaamay arrinta Somaliland inuu gacanta ku hayo, halka sharciyo ku saabsan aqoonsiga lagu wado in la horgeeyo labada gole ee Congress-ka.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this