Sign in to follow this  
Deeq A.

Xogta howl-gallo qorsheysan oo maanta laga fuliyay deegaanadii u badnaa

Recommended Posts

Deeq A.   
xoogga-dalka-dagaal-howlgal-ciidamada-ci

Xarardheere (Caasimada Online) – Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa maanta fuliyay howlgallo qorshaysan oo ka dhacay deegaannada Murcudka, Wadaariq, Faarax Aadan, Bacadka iyo deegaanno kale oo hoos yimaada magaalada Xarardheere ee gobolka Mudug.

Deegaannadan ayaa muddo dheer u adeegsan jireen kooxda Al-Shabaab meel ay ku aasaan miinooyin, taasoo khatar ku ahayd shacabka deegaanka. Sidoo kale waxay dadka ku khasbi jireen inay bixiyaan lacago baad ah.

Howl-gallada ayaa dhacay kadib markii ciidanku heleen xog sugan oo muujinaysa dhibaatooyinka kooxda ku haysay dadka shacabka ah ee ku nool deegaannadan. Tallaabadaasi ayaa siisay fursad ciidamada in ay si toos ah u beegsadaan fariisimaha cadowga.

Intii uu socday howl-galku, ciidamada xoogga dalka ayaa ku guuleystay inay burburiyaan xarumo iyo fariisimo muhiim ah oo ay Al-Shabaab ku lahaayeen halkaasi. Arrintan ayaa hoos u dhigtay awooddii ay ku dhibaateyn jireen bulshada.

Sida ay baahisay warbaahinta dowladda cadowga ayaa jab culus kala kulmay weerarkan qorsheysan, taasoo guul weyn u ah shacabka deegaanka iyo ciidamada qaranka Soomaaliyeed.

Howl-galkan ayaa waxaa ka horreeyay mid kale oo isla maanta ciidanka xoogga dalka, gaar ahaan Guutada 19-aad ee Kumaandoosta Gorgor ay fuliyeen deegaano ka tirsan gobolka Shabeellaha Hoose.

Howl-galka ayaa ka dhacay deegaanka Cumar Beere iyo deegaano kale, waxaana ciidanku ku guuleysteen in ay soo saaraan miinooyin ay Shabaabku ku aaseen waddooyin ay maraan dadka iyo gaadiidka ee ku safra deegaanadaasi.

Ciidanka ayaa miinooyinkaas burburiyay, iyagoo mar kale xaqiijiyay badqabka iyo amniga dadka deegaanka. Howl-galladan ayaa qeyb ka ah gulufka kooxda Al-Shabaab ka dhanka ah, kaasi oo muddooyinkii ka socday qeybo ka mid ah dalka.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this