Deeq A. Posted August 15 Mandera (Caasimada Online) – Xiisad culus ayaa ka taagan degmada Mandera ee Kenya, kadib markii maleeshiyaad ku dagaallamaya gudaha Soomaaliya ay dagaalkooda soo geliyeen dhulka Kenya. Fiidnimadii Arbacadii, Fatuma Madnur Mohammed ayaa ku geeriyootay qarax miino gacanta lagu sameeyo (IED) oo lagu aasay beerteeda ku taalla dhinaca xadka ee Kenya, taas oo qaraxday markii ay ku dhacday. Booliiska ayaa aaminsan in qalabka qarxay ay halkaas uga tageen dagaalyahanno ka tirsan ciidamada maamulka Jubaland, kuwaas oo ka soo cararay dagaal ay kula jiraan ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya (FGS), kuwaas oo ku dadaalaya inay dib ula wareegaan gobolka Gedo. Tan iyo markii dagaalku qarxay bishii la soo dhaafay, ciidamada labada dhinac ayaa marar badan u soo gudbay dhanka Kenya ee Mandera East, halkaas oo ay magan galyo ku raadsadaan, dib isu abaabulaan, kadibna dib ugu laabtaan goobaha dagaalka. Fatuma, oo 44 jir ahayd, ayaa ku naf baxday goobta, iyadoo gabadheeda, Asman Mohamed Noor oo 11 jir ah, ay ku dhaawacantay labada lugood. Asman ayaa miinada ku aragtay bannaanka guriga, kadibna gudaha u keentay, halkaas oo ay ku qaraxday xilli hooyadeed ay isku dayeysay inay hubiso waxa ay tahay. Taliyaha Booliiska Mandera, Robinson Ndiwa, ayaa ugu baaqay dadka deegaanka inay ka digtoonaadaan walxaha laga shakiyo. “Dhacdadan waa mid laga murugoodo, balse waxaan kordhinay kormeerka amniga, waxaana dagaalyahannada ka fogeynay xadka dalkeenna,” ayuu yiri Ndiwa, isaga oo intaas ku daray in IED kale ay dishay dameer. Walaalka Fatuma, Abdi Mohammed, ayaa sheegay in guriga ay ku nooshahay ay ku yaallo meel qiyaastii 100 mitir u jirta xadka Soomaaliya. Gobolka Gedo, oo ay degaan beesha Mareexaan ee saamaynta weyn leh, ayaa inta badan hoos taga maamulka Jubbaland ee uu hoggaamiyo Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe). Dhawaan, Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa la wareegtay magaalooyin istiraatiiji ah oo ay ka mid yihiin Belad Xaawo, Garbahaarey iyo Baardheere. Tan iyo markii uu dagaalku bilowday, boqolaal qof ayaa u qaxay Kenya, waxayna si ku-meel-gaar ah ugu hoydaan ayagoo marti u ah hay’adda Bisha Cas ee Kenya (Kenya Red Cross Society) xeryo ku yaalla iskuullada Duse iyo Barwaaqo ee magaalada Mandera. Dagaalka ayaa cirka isku shareeray kadib markii laba diyaaradood oo qumaatiga u kaca (helicopters) ay soo gaareen magaalada Belad Xaawo, kuwaas oo waday saraakiil sare, ay ka mid ahaayeen Cabdirashiid Xasan Cabdinur Janan. Janan, oo hore uga tirsanaa maamulka Jubbaland isla markaana soo noqday wasiirka amniga, ayaa ka goostay maamulkaas, kadibna loo magacaabay taliyaha hay’adda sirdoonka ee Dowladda Federaalka u qaabilsan gobolka Gedo — tallaabo sii hurisay colaadda. Ka hor khilaafkan, labada ciidan waxay iska kaashan jireen dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab. Dowladda Federaalka ayaa hadda ku eedeysay Axmed Madoobe inuu hurinayo dagaalka. Dagaalka ayaa horey u dilay Kornayl Xuseen Giif, oo ahaa taliyaha booliiska Jubbaland ee gobolka Gedo, kadib weerar ay ciidamada Dowladda Federaalka ku qaadeen Tuulo Amiin, halkaas oo sidoo kale lagu dilay askar kale oo Jubbaland ah, qaar kalena lagu dhaawacay. Weerarka lagu qaaday xeradaas ciidan, qaar ka mid ah askarta Jubbaland ayaa ka baxsaday, waxayna u carareen dhanka Kenya iyo Itoobiya. Inta uu socdo dagaalka ka socda xadka Soomaaliya, taliye ku xigeenka guud ee Booliiska Kenya, Eliud Lagat, ayaa 9-kii Agoosto booqday Mandera, isaga oo ay wehelinayeen taliye ku xigeenka Booliiska Maamulka Gilbert Masengeli. Waxay shacabka ugu baaqeen inay soo sheegaan cid kasta oo ku hawlan hurinta colaadaha qabiilka ama falalka argagixisada. “Colaadaha qabiilka iyo falalka argagixisada weli waa khatar amni oo weyn oo gobolka ka jirta, waana in si wadajir ah wax looga qabtaa arrimahan muhiimka ah,” ayuu yiri Lagat, isaga oo carrabka ku adkeeyay muhiimadda iskaashiga buuxa ee u dhexeeya hay’adaha amniga iyo bulshada deegaanka. Share this post Link to post Share on other sites