Sign in to follow this  
Deeq A.

Dowladda Xasan Sheekh oo si adag loogu cambaareeyay weeraridda iyo Bara-kicinta Shacabka Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   
Polish_20250814_105734362.jpg?resize=100

Xildhibaanada Gollaha Samatabixinta Qaranka Soomaaliyeed oo Warsaxaafadeed soo saaray ayaa si adag cambaareeyay falka arxan darada ah ee xukuumada Hassan Sheekh iyo Hamse kula kaceen bulshada dan yarta ah ee degan ag-agaarka Tarabuunka, adeegsiga ciidamadii loogu talo galay la dagaalanka argagixisada ee lagu weeraray bulshada Soomaliyeed.

“Xildhibaanada Gollaha Samatabixinta Qaranka Soomaliyeed waxay cambaaraynayaan falka arxan darada ah ee xukuumada Hassan Sheekh iyo Hamse kula kaceen bulshada dan yarta ah ee degan ag-agaarka Tarabuunka, adeegsiga ciidamadii loogu talo galay la dagaalanka argagixisada ee lagu weeraray bulshada Soomaliyeed.”

“Waxaan u digaynaa, Madaxwaynaha, Raisul Wasaaraha, Ganacsatada iyo Xildhibaanada ku howlan dhul boobka in lagula xisaabtami doono, shakhsina aanu mulkiyi doonin dhul dan guud ah oo Soomali ka dhexeeyaa, lagana soo celin doono hanti kasta oo qalinka Xukuumada lagu boobay. 
ada lagu boobay” ayuu u qornaa Warsaxaafadeedka ka soo baxay Xildhibaanada Gollaha Samatabixinta Qaranka Soomaaliyeed.

“Waxaan la wadaagaynaa beesha caalamka iyo daneeyayaasha arimaha Soomaliya in Xukuumadan ku fashilantay la dagaalanka argagixissada, ay noqotay mid ku suntay, boob, dhac, musuq maasuq iyo ku tagrifal awoodeed, loona baahanyahay in dhaqaalaha beesha caalamku ugu deeqdo aanay noqon mid loo adeegsado bulshada nugul ee duruufaha adagi la soo derseen” ayuu sii raaciyay Warsaxaafadeedka.

FB_IMG_1755157366753.jpg?resize=1000%2C1

PUNTLAND POST

The post Dowladda Xasan Sheekh oo si adag loogu cambaareeyay weeraridda iyo Bara-kicinta Shacabka Muqdisho appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this