Sign in to follow this  
Deeq A.

Dib u Qaabaynta Siyaasadda Maraykanka ee Geeska Afrika: Maxaa uu Maraykanku u Danaynayaa Somaliland?

Recommended Posts

Deeq A.   

website-cover-22.jpg-300x169.webp

Bishii Diisambar ee 2024, xildhibaan Scott Perry waxa uu Koongarayska Maraykanka horgeeyey “Xeerka Madaxbannaanida Jamhuuriyadda Somaliland” oo summaddiisu ahayd H.R. 10402. Xeerku waxa uu ku baaqayay in Somaliland la aqoonsado, xidhiidh diblumaasiyadeed oo rasmi ahna uu Maraykanku la sameeyo. Waxa xigay in bishii Jeenaweri ee 2025-kii, Guddi-hoosaadka Koongarayska Maraykanka ee qaabbilsan Tartanka Shiinaha iyo Maraykanka, oo hoggaamiyo xildhibaan John Moolenaar, ay warqad u direen Wasaaradda Arrimaha Dibadda Maraykanka, oo ay ku codsanayaan in Maraykanku xafiis ka furto Hargeysa, taladan oo ka dhigan in sare loo qaado xidhiidhka diblumaasiyadeed ee uu Maraykanku la leeyahay Somaliland iyo dib ugu laabashada siyaasadda Maraykanka ee Soomaaliya iyo guud ahaan Geeska Afrika. Sida lagu xusay wabsaydka Taliska Ciidamada Maraykanka ee Afrika, bishii Juun ee isla sannadkan, waxa Hargeysa yimi Hoggaanka Taliska Maraykanka ee Afrika (AFRICOM), Jeneraal Michael Langley, waxanu kulan la yeeshay Madaxweyne Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), Wasiirka Gaashaandhigga, Taliyaha Milatariga iyo Taliya Ciidamada Xeebaha Somaliland. Sidoo kale, miisaaniyadda Maraykanka ee 2026 oo loo gudbiyey Koongarayska, waxa kasoo dhex muuqatay Somaliland, oo loo qoondeeyey in laga taageero maamul wanaagga iyo arrimaha nabadgalyada, lana xoojiyo dhismaha haayadaha dawladeed. Haddaba, dedaalladan gudaha Maraykanka ka socdaa maxay caddaynayaan? Maxaa se iska beddelay siyaasaddii Maraykanka ee ahayd “Soomaaliya Mid ah” iyo guud ahaan siyaasaddii Maraykan ee Geeska? Maqaalkani waxa uu lafa gurayaa, isla markaas isku dayayaa in uu u jid bixiyo, wayddiimahan oo idil.

Siyaasaddii Soo-jireenka Ahayd ee Maraykanka

Siyaasadda Maraykanka ee Geeska Afrika iyo joogitaankiisa istiraatiijiyadeed ee gobolku waxa ay xoogga saarayeen, labaatankii sanno ee ugu dambeeyey, laba qodob: la dagaallanka argagixisada iyo xoojinta saldhiggiisa ciidan ee Jabbuuti. Kooxaha Islaamiyiinta ah ee ka dagaallama Soomaaliya, Maraykanku waxa uu muddo dheer u aqoonsanaa khatarta ugu weyn ee gobolka ka jirta, sidaas darteed, waxa uu cududdiisa gobolka isugu geeyey la dagaallanka argagixisada, isaga oo u maraya: duqaymaha cirka ee uu sida joogtada uga gaysto goobaha ay kooxahani haystaan, taageerada uu la garabjoogay Xukuumadda Federaalka oo uu ka caawinayey dawlad-dhiska iyo qalabaynta ciidamada, iyo taageeridda hawlgallada ciidan ee Midawga Afrik ka wadaan Soomaaliya, AMISOM iyo ATMIS. Dhinaca kale, Jabbuuti waxa uu Maraykanku ku leeyahay saldhigga ciidan ee ugu weyn Afrika, oo ah saldhigga uu ka taakuleeyo dhammaan hawlgallada ciidan ee qaaradda, halbawlena u ah AFRICOM.

Dalalka kale ee Geeska Afrika, walow uu Maraykanku badankooda la lahaa xidhiidh wanaagsan (marka laga reebo Eretariya, oo Maraykanku cunaqabatayn saaray laga soo bilaabo 2009-kii), se haddana waxa uu ahaa xidhiidh, inta badan, diiradda saara iskaashiga dhinaca amniga, sida ka-hortagga kooxaha Islaamiyiinta ah ee Soomaaliya ka dagaallama. Muddadaas dheer, faragelinta Maraykanka ee khilaafyada gudeed ee Geesku aad ayaa ay u hoosaysay. Waxa kale oo hooseeyey xidhiidhada ganacsi iyo maalgashi ee uu dalalkan la wadaago, marka la barbardhigo dalalka kale ee Afrika, sida ku cad xogta ay ay baahisay US International Trade Administration.

Marka ay joogto qaddiyadda Somaliland ee goonni- isu-taagga ah, siyaasadda soojireenka ah ee Maraykanku waxa ay ahayd la macaamilka dawladda dhexe iyo in aanu u daadigin khilaafyada hoose ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Somaliland. Siyaasadda Maraykan ee “Soomaaliya Mid ah” iyo guud ahaan xoojinta nabadgalyada gobolka, waxa qaabaynteeda qayb weyn ku leh hindisaha argagixiso la-dirirka ee ballaadhay waxii ka dambeeyey qaraxyadii Sebtember ee Maraykanka. Marka laga yimaaddo habraacyada iyo shuruucda caalamiga ah, Maraykanku waxa uu muddadan dheer aaminsanaa in cidhibtirka argagixisada lagu gaadhi karo taageeridda siyaasadda “Soomaaliya Mid ah”, waxii siyaasaddan ka duwanina keenayaan kala daadasho iyo in kooxaha Islaamiyiintu ka faa’idaystaan goldaloollada amni.

Haddaba, waxa is wayddiin mudan, maxaa siyaasaddan soojireenka ahayd beddelay? Sidee ayaa ay, se, Somaliland udubdhexaad ugu noqotay siyaasaddiisa cusub?

Geeska Afrika waxa ka dhacay isbeddello waaweyn, oo Maraykanka ku khasbaya in uu dib u qaabeeyo siyaasaddiisa, isbeddelladanna waxa ugu mudan qodobbadan:

  1. Isballaadhinta Shiinaha

Shiinuhu waxa uu Maraykanka si aad ah ugu cidhiidhiyey Geeska Afrika, isaga oo saameyn iyo galaangal ku yeeshay dalalka Geesta. Sida uu Debisa ku faahfaahinayo maqaalkiisa Great Powers in Africa: the US and China’s Rival Interests in Ethiopia”, gebi ahaanba waxa kala duwan istiraatiijiyadaha labadan dal u mareen isku ballaadhinta Geeska Afrika. Istiraatiijiyadda Maraykanka oo muddo dheer xoogga saaraysay xasilinta, iska kaashiga amniga iyo la dagaallanka argagixisada, waxa ay hoos u dhigtay dhinacyada maalgashiga. Taas lidkeeda Shiinuhu waxa uu xoogga saarayaa Maalgashiga iyo horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha.

Is fidinta Shiinaha kolka ay joogto, ka soo bilaw Jabbuuti, oo ah dalka uu Maraykanku ku leeyahay saldhigga ugu weyn Afrika. Shiinuhu waxa uu 2017-kii Jabbuuti ka hirgaliyey saldhiggii milatari ee ugu horreeyey ee uu ku yeesho meel ka baxsan Shiinaha. Waa markii koowaad ee Shiinaha iyo Maraykanku ay dal ku wada lahaadaan saldhigyo milatari, Maraykankuna waxa uu markan u baqay xogihiisa sirdoon iyo hawlgallada uu ka abaabulo saldhiggan. Sidoo kale, Shiinuhu waxa uu maalgaliyey dhismaha dekedda Dooraale ee Jabbuuti, waxa uu dhisay Xarunta Ganacsiga Xorta ah ee Jabbuuti, oo ka mid ah kuwa ugu weyn Afrika, waxaanu maalgeliyey dhismaha jidka tareen ee Jabbuuti iyo Itoobbiya isku xidha.

Shiinuhu, waxa kale oo uu isku ballaadhiyey Itoobbiya. Itoobbiya waxa ay 2013-kii ku biirtay mashruuca Hindisaha Jidka Xariirta (BRI), oo ah mashruuc uu Shiinuhu ku horumariyo kaabayaasha dhaqaalaha ee dalalka, sida jidadka, tareennada, tamarta, dekedaha iyo tiknoolajiyadda. Shiinuhu waxa uu dib u dhisay jidka tareen ee Itoobbiya iyo Jabbuuti isku xidha, jidkanina waxa uu Itoobbiya u noqday halbawlaha ay badda iyo dekedaha ku gaadho. Sidoo kale, Shiinuhu waxa uu qayb laxaad leh ka qaatay dhismaha Dhaamka ugu weyn Afrika ee tamarta dhaliya, oo ay Addis ka hirgalisay webiga Niilka. Waxa uu maalgaliyey kaabayaal dhaqaale oo tirobeel ah, sida jidad, xarumaha tamarta iyo isgaadhsiinta, Itoobbiyana waxa uu xarumo uga furay warshado Shiinaha laga leeyahay. Sida bishii Diisambar ee 2024 lagu xusay mareegta rasmiga ah ee Belt and Road, Shiinuhu waxa uu Itoobbiya ka hirgaliyey mashaariic ka badan 3,300 oo lagu qiimeeyey 8.5 bilyan doollar, abuurayna shaqooyin ka badan 325 kun.

Haddii Soomaaliya ay Maraykanka muddo dheer u ahayd meesha uu xoogga ku saaro la dagaallanka argagixisada, markanna waxa lagaga daba yimid Soomaaliya. Soomaaliya, oo muddo dheer la daalaadhacaysay dagaalladii sokeeye iyo dagaallada Islaamiyiinta, waxa aad u hooseeyey danaynta Shiinaha, se danayntaasi waxa ay is beddeshay waxii ka dambeeyey xidhiidhkii Somaliland iyo Taywaan. 1-dii Julaay ee 2020-kii, Somaliland iyo Taywaan waxa ay shaaciyeen xidhiidh rasmi ah oo labada dhinac yeesheen, muddo yar dabadeedna, labada dalba waxa ay is waydaarsadeen safaarado. Bil ka dib shaacintaas, oo ku beegan 1-dii Ogos ee 2020-kii, safiirkii Shiinaha u fadhiyey Soomaaliya, Qin Jian, iyo wafti heersare ah oo ka socda Wasaaradda Arrimaha Dibadda Shiinaha, ayaa tagay magaalada Hargeysa. Weftigani waxa uu la kulmay Madaxweynihii hore ee Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, waxaanay Somaliland ka codsadeen in ay xidhiidhka u jarto Taywaan, taas beddelkeedana uu Shiinuhu Somaliland ka hirgalin doono maashaariic horumarineed, sida jidad iyo madaarro. Sida Somaliland Chronicle ka soo xigatay masuuliyiin xukuumaddaas ka tirsanaa, Somaliland waa ay diidday maashaariicdaas horumarineed ee shardigu ku xidhan yahay, waxaanay sii xoojisay xidhiidhka Taywaan.

Kolkan, Shiinuhu faro madhnaan ayaa uu kala huleelay Soomaalilaan, intaas waxii ka dambeeyeyna, waxa uu xoogga saaray in uu wiiqo qaddiyadda Somaliland. Waxa uu libanlaabay xidhiidhka marka horeba wanaagsanaa ee uu la lahaa Federaalka Soomaaliya, waxaanu ka hawlgalay sidii Xukuumadda Federaalku ugu guulaysan lahayd soo afjaridda qaddiyadda Somaliland. Waxa uu bilaabay in uu siyaasadda “Soomaaliya Mid ah” suuq geeyo, Midawga Afrika iyo IGAD-na ku cadaadiyo. Shiinuhu waxa kale oo uu si cad u taageersan yahay dedaallada Xukuumadda Federaalku ay maamul-goboleed kaga dhisayso gobollada Sool iyo Sanaag, oo uu u arko hawl soo afjari karta qaddiyadda Somaliland.  Waxa taas sii xoojinaysa kulankii Muqdisho ku dhex maray safiirka Shiinaha iyo hoggaamiyaha Khaatumo, bishii Maaj ee sannadkan. Tallaabooyinkan oo idil, Shiinuhu waxa uu u arkaa kuwo uu ku caadaadin karo Soomaalilaan oo ka gaws-adaygtay xidhiidh u jarista Taywaan. Sida lagu xusay CGTN News, shirkii FOCAC oo ka qabsoomay Beijing, Semtember 2024-kii, labada madaxweyne ee Soomaaliya iyo Shiinuhu waxa ay shaaciyeen in xidhiidhkii diblumaasiyadeed ee labada dal uu isu beddelay iskaashi istiraatiijiyadeed, oo koobsanaya iskaashi dhaqaale, ganacsi, nabad-ilaalin iyo dawlad dhis. Bishii Juun, 2025, Soomaaliya waxa ay saxeexday iskaashigaas, oo lagu horumarinayo dekedaha, tamarta, kaabayaasha dhijitaalka iyo waxbarashada.

Si guud, Shiinuhu waxa uu ku awoodaystay Geeska Afrika, oo uu ku yeeshay saamayn siyaasadeed, mid dhaqaale iyo mid ganacsiba. Maraykankuna, isbeddelladan baaxadda lehi waxa ay ku khasbayaan in uu dib ugu laabto siyaasadiisii Geeska Afrika.

  1. Badda Cas iyo Weerarrada Xuutiyiinta

Waligeedba, khataraha u weyn ee uu Maraykanku ka ilaalinayey maraakiibta ka gudba marinka muhiimka ah ee Baab al-Mandab waxa ay ahaayeen budhcad badeedda iyo Islaamiyiinta oo uu kula dagaallamayey Soomaaliya, siyaasaddiisa “Soomaaliya Mid ah”-na ay soo hoos galaysey. Ka dib dagaalka Qasa ee bilaabmay Aktoobar 2023, Xuutiyiintu waxa ay wacad ku mareen in ay beegsanayaan dhammaan maraakiibta ka gudba Badda Cas iyo marinka Baab al-Mandab ee si uun xidhiidh ula leh Israa’iil. Waxa ay weerarro ku ekeeyeen maraakiib ganacsi iyo kuwo dagaal oo uu Maraykanku leeyahay, labadaas sanno gudahoodna waxa la diwaangaliyey boqollaal weerar oo ay Xuutiyiintu ku beegsadeen maraakiib, iyaga oo adeegsanaya gantaallo iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn. Maraakiibta dagaal ee Maraykanku leeyahay, ee la kulmay weerarrada Xuutiyiinta waxa ka mid ah USS Carney oo la weeraray saddexdii Diisambar, 2023, USS Gravely oo la weeraray 31-kii Diisambar, 2023, iyo USS Laboon oo isna la weeraray 9-kii Jeenaweri, 2024.

Kolkan, Maraykanku waxa uu weerarrada Xuutiyiinta u arkay halis ka weyn halista argagaxisada uu Soomaaliya ku baacsado, oo si toos ah weerarro ugu haya maraakiibtiisa dagaal, cunahana u fadhiya mid ka mid ah marinnada ganacsi ee dunida ugu muhiimsan. Dabadeed, waxa uu duqaymo la beegsaday Xuutiyiinta, ugu dambaynna labada dhinac waxa ay heshiis ku gaadheen in weerarrada la hakiyo muddo u dhaxaysay 6-dii Maaj iyo 7-dii Julaay ee 2025-kii. Walow aanay jirin weerarro toos ah oo ay xuutiyiintu muddadan ka dib ku beegsadeen maraakiibta Maraykanka, haddana halistu waa halkeedii.

Kol haddii ammaankii Badda Cas iyo marinka Baab al-Mandab uu faraha ka sii baxayo, maraakiibta ugu horraysa ee Xuutiyiintu beegsanayaanna ay kuwa Maraykanku ku jiraan, waxa uu ku khasban yahay in uu dib ugu noqdo siyaasaddiisii Geeska Afrika, iskaashiyo wax-ku-ool ah oo uu halistan Badda Cas ku wajahana uu ka helo Gobolka.

  1. Guuldarrada Taageerada Dawlad Dhiska Soomaaliya

Maraykanku waxa uu mashruuca xasilinta iyo dawlad dhiska Soomaaliya soo bilaabay 1991-kii, ka dib dhicitaankii Taliskii Kacaanka ee uu hoggaaminayey Maxamed Siyaad Barre. Waxa uu qayb weyn ku lahaa Hawlgalkii Rejo Soo Celinta iyo hawlgalkii UNOSOM II, Dagaalkii Muqdisho ee 1993-kiina waxa uu sababay in uu ciidamadiisa kala soo baxo Soomaaliya. Sannadkii 2001-kii, ka dib weerarradii Sebtember, Soomaaliya waxa ay noqotay dalalka mashruuca La Dagaallanka Argagixisadu uu xoogga saaro. Sida lagu xusay warbixinta ay daabacday Congressional Research Servie, waxii ka dambeeyey 2007-dii, Maraykanku, tan iyo kolkii uu aqoonsaday Dawladda Federaalka 2012-kii,  waxa uu la barbar taagnaa taageero siyaasadeed iyo mid militari; sida xoojinta waaxaha kala duwan ee maaliyadda, horumarinta dastuurka, dardargelinta federaalaynta, iyo ka qaybqaadashada hawlgallada Midawga Afrika. Sidoo kale, intii u dhaxaysay 2010 iyo 2020, waxa uu xasilinta iyo nabadgalyada Soomaaliya ku bixiyey adduun ku dhow 3 bilyan oo doollar, oo 500 milyan oo ka mid ah lacagtaas si toos ah loogu taakuleeyey Ciidamada Qaranka ,gaar ahaan Danab, halka 2.5 bilyan doollarna uu kaga qayb qaatay labadii hawlgal ee AMISOM iyo ATMIS. Taageeradan waxa dhinac socday kaalmada bani’aadamnimo, oo ay maalgelinta u badan lahayd USAID.

Sida lagu xusay warbixinta World Bank ee 2024 iyo warbixinta US Department of State ee 2022, ka sokow taageerada milatari iyo gargaarka tobanaanka sanno socday, haddana weli guul lagama gaadhin xasilinta iyo dawlad dhiska Soomaaliya. Tobanaankaas sanno ka dib, weli xukuumadda Federaalku waa ay liicliicaysaa, cago adagna kuma taagna; Federaalka iyo maamul-goboleedyadu waa kuwo khilaaf xooggani ka dhexeeyo, doorashooyinku waa kuwo dib u dhaca, laguna murmo, welina lama gaadhin doorashadii qof-iyo-codka ahayd, dawladnimaduna kuma ay fidin dalka intiisa badan. Sidoo kale, tobananaan sanno oo taageero ah ka dib, Soomaaliya diyaar uma aha in ay nabadgalyadeeda la wareegto; ciidamada Soomaaliya weli waa kuwo kala daadsan dedaal kastoo lagu bixiyeyba, musuqa iyo boobka taageerada caalamiga ah ayaa iyana xadhkaha goostay. Waxaas oo dhanna waxa ka sii daran, in Al-Shabaab oo tobanaan sanno oo weerar ah lagu hayay, ay maanta ugu xooggan tahay, deegaanno sannado ka hor laga qabsadayna ay dib ula wareegtay; sida Aadan Yabaal, Ceel hareeri, Aboorrey iyo Moqokori.

Ku guuldarraysiga dawlad dhiska Soomaaliya, Maraykanka waxa uu ku khasbayaa in uu dib ugu noqdo siyaasaddiisa. Sannadihii dambe, Maraykanka gudihiisa waxa ka aloosnaa doodo ka taagan wax-ku-oolnimada taageerada dawlad-dhiska Soomaaliya, kuna doodaya in taageeradani dhiigbax tahay, guulo la taaban karana aan laga gaadhayn.

Siyaasadda Cusub ee Maraykanka

Maraykanku, hadda, waxa uu Geeska u aqoonsaday furin ay isku hor fadhiyaan quwado kale oo caalami ahi. Sida ay ku doodayso Michelle Gavin, oo ka tirsan machaadka madaxa bannaan ee Council on Foreign Relations, Geeska Afrika, iyo guud ahaanba Bariga Afrika, waxa ku xoogaysanaya galaangalka Shiinaha iyo dhinacyo awoodeed oo kale, sida Ruushka, Turkiga iyo Imaaraadka, sidaas darteed, loo baahanyahay siyaasad cusub oo Maraykanku hoggaaminayo oo gobolka ah, taas oo xoogga saarta xidhiidho diblumaasiyadeed, maalgashi, horumarin dhaqaale iyo iskaashi cusub oo dhinaca ammaanka ah. Sii ballaadhashada dhinacyada kala duwan ee Geeska kula loollamaya Maraykanka, iyo soo ifbixidda khataro amni oo cusub, sida halista Xuutiyiintu, waxa zy Maraykanka ku khasbayaan in uu yaqiinsado in isku hawlidda dawlad dhiska Soomaaliya iyo ku dheggenaanta siyaasadda “Soomaaliya Mid ahi” aanay ahayn hawsha ugu weyn ee uu Geeska ka qabto iyo danta u weyn ee uu leeyahay. Sidaas darteed, waxa uu qaatay siyaasadda cusub oo kusoo ururaysa qodobbadan:

  • In uu Xoogga Saaro Loollanka Istiraatiijiyadeed ee Gobolka

Kol haddiiba uu Maraykanku arko is fidinta Shiinaha ee Geeska, waxa uu u baahan yahay istiraatiijiyad cusub oo loollankan lagu wajaho. Istiraatiijiyad ka duwan istiraatiijiyaddii xoogga saaraysay argagixiso la dirirka, oo kolkan Shiinaha kula tartamaysa dalalka Geeska ee uu Shiinuhu isku fidinayo, sida Itoobiya, Kiiniya, Jabbuuti iyo Soomaaliyaba. Tusaale ahaan, waxa uu ku dedaalayaa dib u cusboonaysiinta xidhiidho diblumaasiyadeed, soo bandhigidda maalgalinno ka duwan kuwa Shiinaha ee dalal badan ku haya amaahda sii laba jibbaarmaysa, iyo in uu helo dekedo cusub iyo saldhigyo ciidan oo uu danaha gobolka ka ilaashado, dalalka kalena albaab u noqda.

Kol haddiiba Shiinaha uu tartanka ugu adag kula jiraa uu la joogo Jabbuuti, kagana horumaray isku xidhka Itoobiya iyo dekedaha Jabbuuti, waa in uu xoojiyaa joogitaankiisa gobolka, oo uu raadsadaa isbahaysi cusub oo uu saldhig ciidan iyo dekedo uu Itoobbiya u maro ku yeesho. Eretariya iyo Suudaan suurogalnimadoodu waa ay fog tahay, marka laga eego dhinaca xasilloonida iyo dimuqraadiyadda. Kolkan, muhiimadda u weyn waxa yeelanaysa Somaliland, oo xasilloon, meel istiraatiiji ahna ku taalla, waxaanu danaynayaa in uu xidhiidh adag la yeesho, aqoonsiga ka sokow. Dekedaha Somaliland waxa ay dheellitirayaan ku tiirsanaanta Itoobiya ee dekedaha Jabbuuti, Maraykankana waxa ay u noqonayaan albaab cusub oo uu Itoobiya ka galo. Imaaraadku waxa uu maalgaliyey ballaadhinta dekedda Berbera, Aaga Ganacsiga Xorta ee Berbera iyo jidka isku xidha Berbera iyo Wajaale. Kaabayaashan la horumariyey waxa ay dekedda Berbera u suurogalinayaan in ay dheellitirto dekedda Jabbuuti, Maraykankuna albaab cusub oo qorshahiisa Geeska ah helo.

 In uu Dib uga Laabto Siyaasadda “Soomaaliya Mid ah”

Haddiiba uu Maraykanku sannaddo badan taageerayey Federaalka Soomaaliya, imika waxa uu isku dayay in uu hoos uga daadago, xooggana saaro dhinaca dantiisu ku xidhantahay. Siyaasaddan cusubi waxa ay ku khasbaysaa in uu dib u eego qaddiyadihii kala go’a iyo isku biiridda ee aanu awal hoos u eegi jirin, dibna ugu laabto siyaasaddii “Soomaaliya Mid ah” ee Maraykanka kaga gudbanayd in uu Somaliland iskaashi la sameeyo. Walow uu Maraykanku sii wadayo mashruuciisa la dagaallanka argagixisada ee Soomaaliya, haddana waxa la dareemay dib u gurashada taageeradii dawlad dhiska Soomaaliya, waxaana jira doodo Maraykanka gudihiisa ah oo ku doodaya in Maraykanku dagaal aan dhammaad lahayn ku dhiigbaxayo. Dib ugu noqoshada siyaasaddaas duugga ahi waxa ay Maraykanka u sahlaysaa in uu in uu ka guuro riyooyin laga gun gaadhi waayay, una wareego waxqabadyo toos ah oo la taaban karo, danahiisana si toos ah ula xidhiidha.

  • Mudnaan-siinta Nabadgalyada Badda Cas iyo Marinka Baab al-Mandab

Xasilloonidarrada kasoo cusboonaatay Badda Cas, waxa ay Maraykanka ku khasbaysaa in uu helo goobo istiraatiiji ah oo uu si toos ah uga ilaaliyo ammaanka maraakiibtiisa. Waxa ugu weyn xoojinta saldhiggiisa milatari ee Jabbuuti, waxa se weli loo baahanyahay iskaashi cusub iyo goobo cusub oo lagu xoojiyo saldhigga Jabbuuti. Sida lagu xusay maqaalka Orion Policy Institute, ee “Reinforcing US Power in the Horn of Africa: The Case for A Base in Somaliland”, Somaliland waxa ay Maraykanka u leedahay mudnaanta koowaad, isaga oo uga baahan goobo uu ka helo oo uu ku xoojiyo joogitaankiisa Badda Cas iyo Gacanka Cadan.

Danahan is huwan ee hagaya siyaasadda cusub ee Geeska Afrika, waxa ay Maraykanka ku soo jeedinayaan Somaliland, kaalin weyn ka galaysa danahiisa Geeska iyo isbeddelada cusub ee uu rabo in uu waajaho.

Kaalinta Somaliland ee Aqoonsi Raadinta

Ka sokow dedaallada xildhibaanno ka tirsan Maraykanka ee soo jeedinaya aqoonsiga Somaliland, haddana danaynta Maraykanku waa mid ku kooban iskaashi cusub iyo in Somaliland looga faa’idaysto istiraatiijiyadda cusub ee gobolka. Baahida u weyn ee ay Somaliland qabtaa se waa aqoonsi iyo in ay qaddiyaddeeda ku jaangoyso danaynta cusub ee Maraykanka.

Bishii Maaj ee 2025, Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland, Cabdiraxmaan Daahir Aadan, waxa uu booqasho ku tagay Maraykanka. Sida lagu baahiyey wabsaydka Wasaaradda, waxa uu la kulmay masuuliyiin Maraykan ah iyo xildhibaanno ka tirsan Guddiga Xidhiidhka Dibadda, oo ay ka wada hadleen iskaashiga nabadgalyada iyo arrimaha kale ee gobolka. Dhinaca kale, Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Cirro, waxa uu waraysiyo uu siiyey warbaahinta caalamiga ah, sida the Guardian, kaga hadlay muhiimadda uu aqoonsigu u leeyahay Somaliland, iyo kaalinta ayka geli karto isbeddelka cusub ee Maraykanku gobolka dib isugu qaabaynayo. Waxa la filayaa Madaxweyne Cirro in uu safar shaqo ku tagi doono Maraykanka, socdaalkan ayaa Somaliland fursad u siinaya soo bandhigidda kaalinta Somaliland ka geli karto danaha Maraykanka ee gobolka. Dedaalladan ka sokow, weli waxa loo baahanyahay qorshe lagu la jaanqaado isbeddellada ka socda Geeska.

Falcelinta Dalalka Gobolka

Soomaaliya waxa ay aad uga soo horjeeddaa danaynta cusub ee Maraykanka. Waxa ay dedaallo ku bixisay carqaladaynta iskaashi dhexmara Somaliland iyo Maraykanka, Safaaradda Soomaaliya ee Maraykanku waxa ay hawlgalisay mid ka mid ah shirkadaha saamaynta leh oo ku taalla Washington, si ay uga hawlgalaan ka hortagidda aqoonsiga Somaliland. Waxa ay walaac ka muujisay cadaadiska xildhibaannada Koongaraysku wadaan ee iskaashiga amaba aqoonsiga Somaliland. Si ay Soomaaliya danaha Maraykanka ee gobolka isugu soo jeediso, dananynta Somaliland-na meesha uga saarto, sida Reuters baahisay, Soomaaliya waxa ay Maraykanka u soo bandhigtay dekedo iyo saldhigyo ciidan oo laga siiyo Soomaaliya.

Jabbuuti, oo uu Maraykanku ku leeyahay saldhig ciidan, sidoo kalena deked u ah Itoobbiya, waxa ay doorbidaysaa in ay kaalinteeda xejisato, iyada oo ilaashanysa xidhiidhka wanaagsan ee Maraykana, haddana ay isha ku hayso isbeddelka siyaasaddiisa gobolka. Jabbuuti iyo Masarba, waxa ay si xooggan uga soo horjeedeen is-afgaradkii Somaliland iyo Itoobbiya dhex maray, welina waxa cad, walow ay xidhiidh wanaagsan Maraykanka la leeyihiin, in aanay si fudud ku liqayn baro bixinta siyaasadda “Soomaaliya Mid ah”.

Gunaanad

Ugu danbeyn sida muuqata Maraykanku in uu dib u qaabeeyo siyaasaddiisa ku aadan Geeska Afrika gaar ahaan Soomaaliya waxa ku riixaya awoodaha kale ee saameyntoodu ku sii fidayso gobolka sida Shiinaha, Ruushka iyo Turkiga. Iyo dhanka kale halista ku gadaaman danahiisa goboleed. Fashilka dawladnimada Soomaaliya ayaa iyana ah qodob kale. Waxa intaas dheer jiritaanka dhawaaqyo gudaha Maraykanka ka soo yeedhaya oo ku baaqaya isbeddel, isla markaas na Somaliland u arka dal ku yaal goob Istaraatiijiya oo ay tahay in la la yeesho xidhiidh dan ku dhisan si loo xaqiijiyo danaha Maraykanka ee gobolka.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this