Sign in to follow this  
Deeq A.

Ma dhabaa in haweenay 60 jir ahi ay ilmo ku dhashay magaaladda Muqdisho?

Recommended Posts

Deeq A.   

Waxaa aad baraha bulshada loo hadal hayey muuqaalka haweeney la sheegay in magaalada Muqdisho ayadoo da’ 60-aad ah ay ku dhashay carruur.

Sheekadaas ayaa dad badan oo baraha bulshada ku arkay ay u riyaaqeen, ayagoo u duceeyey qofka masawirkiisa la soo bandhigay.

Dhanka kale waxaa aad u yaraa dadka aan rumaysan. Haddaba maxaa ka jira, maxayse yihiin arrimaha ku gadaaman sheekadan iyo xaqiiqdeeda.

Ilaa dhowr maalmood ayuu muuqaalkaas ku jiraa baraha bulshada, waxaana intaa dheer in dhakhtar ka hawlgala isbitaal ka mid ah isbitaallada Muqdisho uu dul taagan yahay masawir muujinaya haweeney dhabta ku haysa ilmo aad u yar.

Baaritaan ay BBC samaysay ka dib waxaa cadaatay in arrintaas aysan ahayn mid dhab ah, sababtuna waa haweeneyda oo sheegtay in aysan dhalin ilmaha.

BBC waxay la kulantay haweeneydaas oo magaceeda ku soo koobtay Faaduma, waxayna tiri “Xaaladaas waxay ahayd mid aan fududaysannay, hadda way dhacday, wax dhib ahna uma arko, cunugaasna ciddii dhashay allah u dhawro, aniga waan jirranahay caafimaad allah i siiyo, intaas ayey ku ekayd kuna ekaan doontaa haddii alle idmo” ayey tiri Faadumo.

Ayadoo ka hadlaysay sida ilamahaas yar loogu sawiray ayey tiri Faadumo “Aniga cunugga dhabta ayaa la ii saaray, ayagana (kuwa sawirka qaaday) markay arkeen cunuggii oo aan hayo waxay moodeen in aan aniga dhalay. Anigu ma dhalin, cunugaas waxaa lagu dhalay isbitaalkaas, anigana isbitaalka jirro ayaan u imid” ayey sii raaciyey Faadumo.

Dr Maajid

Xigashada Sawirka,Mohamud Abdiasis BBC

Dhanka kale, sidii ay xaaladahan isugu aad -aad een iyo xaqiiqda jirta ayaa BBC waxaa uga warramay Dr Maajid Bakuur oo ah dhakhtar ku takhasusay daweynta dhalma la’aanta iyo cudurrada haweenka oo ka hawlgala isbitaalka Taran Androcare.

“Iyadoo ay ii joogto haweeneey aan qaliin u sameynay si aan xaaladeeda ula socono ayaa waxaan ka dhaliyay hooyo kale, intii lagu guda jiray farxada reerka ayaan cunugii intaan qaaday ayaan isbitaalka la dhexmaray intii aan socday ayaan arkay hooyadaan oo murugeysan markaas ayaan canugga u dhiibay ka dibna sawirrada ayaan soo dhigay barteyda TikTok, balse nasiib daro si khaldan ayaa loo fahmay oo si weyn ayuu ugu baahay baraha bulashada in haweeneydaan ay cunugga dhashay” ayuu yiri Dr maajid.

Dr Maxamed Cabdullaahi Ciise.

Xigashada Sawirka,Mohamud Abdiasis BBC

Waxaa kale oo soo baxay in sawirrada qaar loo adeegsaday garaadka macmalka (AI) oo aysan ahayn kuwo dhab ah.

Waxaa isna arrimahan BBC uga warramay madaxa caafimaadka ee isbitaalka Dr Maxamed Cabdullaahi Ciise.

“Arrintan waxaan ku baraarugnay 11kii bishan ayadoo aad la isku dhaafsanayo, waxayna ka bilaabatay maamo xaalad caafimaad u soo gashay isbitaalka iyo gabar isbitaalka lagu qalay. Waxayna qisada u dhacday in maamada ay dhakhaatiirtu doonayeen inay farxad galiyaan, waxayna soo qaadeen ilmihii yaraa ka dib markii ay fasax ka soo qaateen waalidkii dhalay, ka dibna maamada ayey dhabta u saareen, ayagana sawir ayey la galeen si ay farxad u dareensiiyaan, ka dibna dhakhtarka ayaa bartiisa Tiktok soo dhigay” ayuu yiri.

Wuxu intaa ku daray inay ku baraarugeen sawirkii maamada iyo dhakhtarka oo “la wareejinayo baraha bulshada, ayadoo lagu tilmaamayo in hooyadan ay jirto lixdan sano, ka dibna ay ilmo heshay oo isbitaalka ay ku dhashay”.

Wuxuu intaa sii raaciyey in reerka ilmaha dhalay iyo maamada aysan is aqoon, hooyadana ay tahay ayeeyo hore carruur u dhashay, oo kaliyana ay doonayeen inay farxad galiyaan.

Wuxuu kaloo Dr Maxamed sheegay in ay aad u ilaaliyaan anshaxa dhanka caafimaadka.

Arrintan ayaa muujinaysa sida ay baraha bulshada ugu fidaan wararka aan runta ku salaysnayn ama ku talagal loo baahiyo.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this