Sign in to follow this  
Deeq A.

Sacuudiga oo afar qof Soomaali ku fuliyay xukun toogasho ah

Recommended Posts

Deeq A.   

Sacuudi Carabiya ayaa hal maalin gudaheed ku fulisay xukun dil toogasho ah oo lagu qaaday siddeed qof, kuwaas oo intooda badan lagu eedeeyay dambiyo la xiriira maandooriyaha.

Wakaaladda Wararka ee Sacuudiga (SPA) ayaa xaqiijisay in afar muwaadin oo Soomaali ah iyo saddex qof oo Itoobiyaan ah lagu toogtay gobolka Najran ee koonfurta dalka, kaddib markii lagu helay dambiga ah inay dalka soo geliyeen xashiish. Sidoo kale, hal muwaadin Sacuudiyaan ah ayaa lagu toogtay dilka hooyadiis.

Falalkaan ayaa kusoo beegmaya xilli ay sii kordhayaan xukunnada dilka ah ee boqortooyada, kuwaas oo inta badan lagu beegsado muwaadiniinta ajnabiga ah ee lagu soo eedeeyo dambiyada maandooriyaha. Hay’adaha Reprieve iyo ESOHR ayaa ku tilmaamay arrintan “xaalad dilal aan hore loo arag” oo ka jirta Sacuudi Carabiya.

Tirakoobka la helay ayaa muujinaya in sannadkii 2024 Sacuudi Carabiya ay toogatay 345 qof — tiradii ugu badnayd abid — iyadoo ku dhawaad kala bar dadkaas lagu helay dambiyo aan dil ahayn. Sannadkan 2025, illaa hadda waxaa la toogtay 230 qof, waxaana 154 ka mid ah lagu eedeeyay dambiyo la xiriira maandooriyaha, taas oo muujinaysa in rikoodhkii hore laga yaabo in la jabiyo.

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this