Sign in to follow this  
Deeq A.

Shirka Madasha Samata-bixinta ee Mucaaradka iyo Madaxweynaha DFS oo Markale maanta ka furmaya Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Magaalada Muqdisho ayaa maanta martigelinaysa kulankii shanaad ee u dhexeeya Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo hoggaamiyeyaasha mucaaradka siyaasadeed ee dalka. Shirkan oo qayb ka ah wadaxaajoodka siyaasadeed ee socday maalmihii la soo dhaafay, ayaa markan diiradda lagu saaraya cutubka 4-aad ee Dastuurka Kumeel-gaarka ah, kaas oo wax ka bedel lagu sameeyay, balse ah qodobka ugu weyn ee wali lagu kala aragti duwan yahay.

Shirka maanta ayaa laga filayaa inuu noqdo kii ugu dambeeyay labada dhinac lagana soo saaro talooyin iyo qodobbo heshiis ah lagu yahay kuwaas oo lagu xallinayo khilaafka ka taagan arrintan, maadaama labada dhinac ay daneynayaan in geeddi-socodka dib-u-eegista Dastuurka uu ku dhammaado is-afgarad siyaasadeed. Si kastaba ha ahaatee, xogaha aan helnay waxay muujinayaan in dhinacyada qaarkood ay weli ku adkeysanayaan mowqifkooda, taas oo caqabad ku noqon karta heshiis buuxa oo laga gaaro cutubkan.

Shirkan ayaa qarka u saarmay inuu fashilmo kadib markii shalay Madaxweyne Hassan Sheikh oo isku diiwaangeliyay doorashooyinka Qof iyo Cod ee Golaha deegaanka oo ka socota Muqdisho.
Waxaana aad u dhaliilay isdiiwaangelinta Madaxweynaha Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo kamid ah Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya sidoo kalena qayb ka ah xubnaha Mucaaradka.

Shirka Maanta ayaa la filayaa inuu furmo 2:00pm duhurnimo sida ay noo xaqiijiyeen xubno kamid ah Mucaaradka oo aan la hadlnay.

Waxaa la filayaa in war-murtiyeed rasmi ah laga soo saaro marka shirku soo gabagaboobo, iyadoo indhaha bulshada Soomaaliyeed iyo beesha caalamkuba ay si dhow ula socdaan natiijooyinka ka soo baxa wada-hadalladan.

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this