Sign in to follow this  
Deeq A.

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida oo toogatay Saddex xubnood oo Shabaab ka tirsan

Recommended Posts

Deeq A.   

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya ayaa saaka xukun dil ah ku fulisay saddex xubnood oo ka tirsanaa Shabaab, kuwaas oo lagu helay dambiyo culus oo ay ka mid yihiin dilal qorsheysan iyo qaraxyo ka dhacay caasimadda Muqdisho iyo gobolka Shabeelaha Hoose.

Saddexda eedeysane ee la toogtay ayaa kala ah:

Abuukar Axmed Maxamed (Anwar)

Xamsa Jeylaani Cabdullaahi (Abtiga)

Xassan Cali Xuseen (Garaad)

Maxkamadda ayaa horey ugu xukuntay dil toogasho ah kadib markii lagu cadeeyay in ay ka dambeeyeen weerarro iyo falal argagixiso oo ay ku dhinteen dad shacab ah iyo ciidamo, islamarkaana ay ku dhaawacmeen tiro kale.

Xukunka oo lagu fuliyay tiirka caddaaladda ayaa qeyb ka ah howlgalka dowladda ee lagu ciribtirayo maleeshiyada Shabaab iyo ka hortagga falalka amni darrada ah ee ka dhaca dalka.

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this