Sign in to follow this  
Deeq A.

Agaasinka Waxbarashada Gobolka Banaadir oo Shaaciyay Natiijada Imtixaanka Fasalka 8-aad

Recommended Posts

Deeq A.   

Agaasinka Waxbarashada Gobolka Banaadir ayaa maanta si rasmi ah u shaaciyay natiijada imtixaanka shahaadiga ah ee fasalka 8-aad ee dugsiyada hoose/dhexe ee sanad dugsiyeedka 2024–2025.

Warbixinta uu soo bandhigay Agaasinka ayaa muujisay in guud ahaan imtixaanka ay galeen 41,076 arday ka tirsan gobolka. Natiijada ayaa kala baxday sidan:

🎓 38,263 arday ayaa gudbay

📉 2,813 arday ayaa dhacay.

✅ 93% ardayda imtixaanka gashay ayaa gudubtay.

7% way hareen.

Agaasinka ayaa sheegay in heerka guusha sanadkan uu yahay mid aad u sarreeya marka loo eego sanadkii hore, taas oo ka tarjumaysa dadaalka wadajirka ah ee macallimiinta, waalidiinta iyo ardayda.

Wuxuu sidoo kale ugu baaqay ardayda aan gudbin inay ka faa’iideystaan fursadaha waxbarasho ee soo socda, isla markaana ay dedaalkooda labanlaabaan si ay guulo u gaaraan mustaqbalka.

 

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this