Sign in to follow this  
Deeq A.

Mucaaradka oo shaaciyey burburka wada-hadaladii, soona saaray 4 qodob oo culus

Recommended Posts

Deeq A.   
Mucaaradka-1.webp

Muqdisho (Caasimada Online) – Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed oo ku mideysan yihiin siyaasiyiinta mucaaradka dalka, ayaa shaaciyay inay fashilmeen wada-hadalladii ay la yeesheen Madaxweynaha Soomaaliya ee xalka loogu raadinayay khilaafka siyaasadeed ee taagan.

Madasha oo soo saaray bayaan ka kooban laba bog, ayaa ku baaqay afar qodob oo ay ugu horeyso in dib loogu laabto dastuurkii 2012 ee ay bulshada Soomaaliyeed heshiiska ku aheyd ee ku saleysnaa nidaamka Baarlamaaniga.

Madasha ayaa nasiib darro ku tilmaamtay in 5 kulan wadaxaajood oo socday muddo bil iyo bar ah laga gaarin wax natiijo ah oo dalka iyo dadka looga badbaadin lahaa khilaafka.

“Waxayna Madasha u aragtaa in uu dalku marayo kalabayr halis ku ah midnimada dalka iyo jiritaanka dowladnimada Soomaaliyeed,” ayey si cad u sheegtay Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed.

Sidoo kale waxaa lagu yiri bayaanka: “9-ka bilood ee ka harsan muddo xileedka Madaxweynaha waa in xal laga gaaro doorasho toos ah oo loo dhan yahay, heshiisna lagu yahay, dalkana u hoggaamisa qof iyo cod.”

Madasha ayaa ku baaqday in dedeg loo joojiyo colaadda ay dowladu dalka ka hurrinayso, gaar ahaan gobolka Gedo. Sidoo kalena waxay Madaxweynaha ugu baaqday inuu hakiyo arrimaha dhulka danta guud ee dhalisay xasillooni darrida.

Hoos ka aqriso bayaanka oo dhameystiran:

Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed oo ka duulaysa

  1. Adkaynta midnimada iyo wadajirka dalka, iyo sidii xal loogu heli lahaa khilaafka siyaasadeed ee ka dhashay beddelkii Dastuurka.
  2. In meel looga soo wada-jeesto dagaalka kooxaha argagixisada ah ee Al-shabaab iyo Daacish, si loo badbaadiyo jiritaanka qarannimo iyo dowladnimada ee dalkeenna.
  3. In dowlad goboleedyada maqan ee Puntland iyo Jubbaland lagu qanciyo in ay qayb ka noqdaan wada hadalka qaran.
  4. In heshiis buuxa laga gaaro doorasho toos ah oo daahfuran, heshiis lagu yahay, looguna gogol-xaaraayo qof iyo cod, kuna salaysan dastuurkii dadka Soomaaliyeed ku heshiiyeen 2012.

Madashu oo ka bariganataalay qodobbadka kor ku xusan ayaa wadahal la furtay Madaxweyne Xasan Sheekh. Shan kulan wadaxaajoood oo socday muddo bil iyo bar ah oo labada dhinac dhexmaray ayuu madashu dalbatay in Madaxweynaha uu ka laabto cutubka afaraad ee dastuurka iyo shuruucdii doorasho ee ka ratibmay, kaasoo dhaxalwareegay heshiiskii siyaasadeed ee saldhigga u ahaa Jamhuuriyadda Saddexaad ee dalka sida;

  • Nidaamka Barlamaani-ga ah
  • Hannaanka xukun ee Federaalka
  • Awood qaybsiga siyaasadeed
  • Doorashada afar sanadlaha ah
  • Talada geedi-socodka dowlad-dhiska dalka oo wadar-oggol lagu gooyo

Madashu waxay u dhabar adaygtay in wadahallada laga miro dhaliyo, si dalka looga samatabixiyo khilaaf iyo kala qaybsanaan dhaawaac ku ah wadajirka iyo midnimada, niyadjabkana ku riday shacabka iyo beesha caalamka, taasoo u adeegaysa cadowga Soomaaliyeed iyo argagixisadu ugu horreys.

Nasiib-darro, lama gaarin heshiiskii ay shacabka Soomaaliyeed rajada gelin lahaa, looga badbaadi lahaa khilaafka, loogana mashquuli lahaa dadaalka looga soo horjeedo argagixisada.

Madasha waxaa u aragtaa in uu dalku marayo kala bayr halis ku ah jiritaanka dowladnimada iyo midnimada dalka.

Haddaba Madashu waxay ku baaqaysaa;

  1. In dib loogu laabto dastuurkii 2012 ee ay bulshada Soomaaliyeed heshiiska ku ahayd ee ku salaysan nidaamka Baarlamaanka ah ee u uku dhisnaa heshiiskii Carta.
  2. In 9-ka bil ee ka harsan muddo xileedka Madaxweynaha xal laga gaaro doorasho toos ah oo loo dhanyahay, heshiisna lagu yahay, dalka u hoggaamisa qof iyo cod.
  3. In dedeg loo joojiyo colaadda ay Dowladu dalka ka hurrinayso, gaar ahaan Gobolka Gedo.
  4. In uu Madaxweynaha hakiyo arrimaha dhulka danta guud ee dhalisay xasillooni darrida.

Ugu dambayn; Madashu waxay caddaynaysaa in ay diyaar u tahay wadaxaajood dalka lagu samatabixinayo, iyadoo mudnaanta la siinayo danta guud, midnimada dalka iyo wadajirka ummadda, si taas looga miradhalyo, Madashu waxay go’aamisay in guddigii wada wadaxaajoodka uu sii wado hawshiisa.

Dhammaad.

515439677_1309081697250113_4030029137237

532141354_1309081700583446_8852528719811

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this