Sign in to follow this  
Deeq A.

Daawo: Janan oo soo bandhigay sarkaal muhiim ah oo ka soo goostay Axmed Madoobe

Recommended Posts

Deeq A.   
IMG_8847.jpeg

Beledxaawo (Caasimada Online) – Taliyaha Nabad-Sugidda ee Gobolka Gedo, Cabdirashiid Janan, ayaa qabtay shir jaraa’id oo uu si weyn ugu eedeeyey Axmed Madoobe, isagoo soo bandhigay waxa ay isku hayaan ninkaasi, xilli uu la hadlayey saraakiil ka soo goosatay Axmed Madoobe oo ku biirtay ciidanka dowladda.

Sarkaal lagu magacaabo Korneyl Maxamed Canjeex ayaa hoggaaminaya ciidanka ka soo goostay Jubbaland ee maanta lagu soo bandhigay xerada UK ee Beledxaawo, kuwaas oo ku biiray garabka dowladda ee uu hoggaamiyo Cabdirashiid Janan.

Cabdirashiid Janan ayaa sheegay in shacabka gobolka Gedo ay fahmeen waxa uu ugu yeeray “magriga Axmed Madoobe uu ku hayo reer Jubbaland,” isagoo ciidanka uga mahadceliyey sida ay u diideen inay u dagaallamaan Axmed Madoobe, iyagoo ku duulaya qaranimada Soomaaliya.

“Raggaan galabta i hor fadhiya, Axmed Madoobe wuxuu u soo diray inay beddelaan saraakiishii uu dagaalka geliyey ee geeriyooday. Maanta ayay nagu soo biireen. Hore ayaan u sheegay in wiilasheennu aysan u dagaallami doonin Axmed Madoobe, waa taas maanta hadalkaygii rumoobay,” ayuu yiri Cabdirashiid Janan.

Sidoo kale, wuxuu sheegay in Axmed Madoobe uu madax-furasho u haysto dadka ku nool gobolka Jubbada Hoose ee Soomaaliya, isagoo diiday in la xoreeyo caasimadda Jubbaland ee Bu’aale, sida uu hadalkiisa u dhigay.

“Jufadiisa dhulkii ay deganaayeen ayaa la haystaa, dadkiisana wuxuu qaar ka haystaa, qaarna cadowga ayuu ku daawanayaa. Wuxuu leeyahay ‘reer hebel ayaa xukunka iga wareegaya.’ Walaalow, cid xukun kaa rabta ma jirto ee Jubbaland adiga ayaa qaribay oo dhibaato ku haya dadkaaga,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Janan.

Wuxuu sheegay in dowlad kasta oo Soomaaliyeed uu Axmed Madoobe go’aansaday inuu la dagaallamo isagoo adeegsanaya wiilasha Soomaaliyeed ee la jooga, kuwaas oo Janan uu sheegay inay haystaan duruufo dhaqaale oo aad u daran.

“Jeneraal ayaan kaa dhigay, waxaa tahay gaashaanle laba-xiddigle ah, ayuu leeyahay wiilasha. Meel ay ka shaqayso ma jirto darajada uu ku sasabayo wiilasha. Axmed hadduu idin soo diro, waad noo imaanaysaan, waana nagu soo biireysaan — waan hubaa. Laakiin Axmed waan aqaan, doqon maaha, wuu og yahay taas, mana idin soo dirayo,” ayuu yiri Janan oo qoslaya, iyadoo farriintiisu ay ku socotay wiilasha ka tirsan ciidanka Axmed Madoobe.

Wuxuu sheegay in Axmed Madoobe uu haysto ciidan uu u maleeyo inaysan waxba kala ogeyn, balse wuxuu u qiray ciidamada Jubbaland inay yihiin rag fursad waayey, kuwaas oo sida uu rajeeyey maalin un heli doona fursad ay uga soo baxaan safka Axmed Madoobe.

Hoos ka daawo:

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this