Sign in to follow this  
Deeq A.

Dowladda Puntland oo digniin ku saabsan Hawlgalka Calmiskaad u jeedisay shacabka

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1754895112863.jpg?resize=1000%2C7

Dowladda Puntland oo digniin soo saartay ayaa dadweynaha ugu baaqday in feejignaan ka muujiyaan firxadka argagixisada ee isku dayaya in ay ka baxsadaan Hawlgalka Calmiskaad oo heer sifayn guud ah maraya.

Warsaxaafadeed ka soo baxay Taliska Ciidanka Booliska Puntland ayuu ku sheegay in uu socdo hawlgal cir iyo dhul ah oo gebi ahaanba haraadigii argagixisada lagaga nadiifinayo Calmiskaad, waxaana uu shacabka uga digay in ay ku soo dhex dhuuntaan firxadkii mileeshiyaadkaasi.

“Ciidanka Amniga Puntland waxa uu bulshada Puntland iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed ku wargelinayaa in hawlgalka sifeynta ee ka socda deegaanka Calmiskaad uu si habsami leh u socdo, iyadoo ciidamada Cirka iyo Dhulka si wadajir ah uga shaqeynayaan xaqiijinta amniga iyo ciribtirka kooxaha argagixisada, gaar ahaan haraadiga Argagixisada Daacish.”

“Hawlgalka ayaa maraya wejiyadii ugu dambeeyay, waxaana socda diyaargarow jihooyin cusub oo lagu xaqiijinayo in kooxaha firxadka ahi aysan helin meel ay ku dhuuntaan. Shacabka Puntland waxa laga codsanayaa in ay feejignaadaan, maadaama ay suurtagal tahay in firxadka argagixisadu isku dayaan in ay bulshada ku dhex dhuuntaan” ayuu u qornaa warsaxaafadeedka.

PUNTLAND POST

The post Dowladda Puntland oo digniin ku saabsan Hawlgalka Calmiskaad u jeedisay shacabka appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this